Xaggee ku dambeeyey wada hadalkii DFS & Puntland ee dhanka Waxbarashada?
07 July 2017 (Puntlandes) Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Dawlada Federaalka ee Somalia Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan iyo agaasimaha guud ee isla wasaaradaas Mudane Maxamed C/qaadir Nuur ayaa booqasho rasmi ah ku yimid caasimada Dawlada Puntland 5tii july 2017ka, kadib marti qaad ay ka heleen Wasaarada Waxbarashad iyo Tacliinta sare ee Puntland.
Waftiga wasiirku hogaaminayo ayaa Casaimadda Puntland ee Garowe usoo gaaray ka qaybgalka shirweyne looga hadlayo arimaha waxbarashada labada wasaaradood ee Fadaraalka iyo Puntland.
Dhanka Wasaarada Waxbarashad iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa waxaa hogaaminayey wada hadalkii furmay 5tii bisha wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Prof, Abshir Yuusuf Aw-Ciise, wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Dr, Maxamed Cali Faarax, agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Maxamed C/qaadir Cusmaan iyadoo ay laba wasaaradood u wada hadleen si qoto dheer la iskuna fahmay dhamaan qodobadii laga wado hadlayey.
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Dawlada Federaalka ee Somalia Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa 6dii july 2017 ka dhoofay Garowe isagoo uga tagay wada hadalada inay sii wadaan guddi ay hogaaminayaan Agaasimaha guud ee isla wasaaradaas Mudane Maxamed C/qaadir Nuur iyo Agaasimaha guud ee Tacliinta Sare.
Dhanka Puntland ayaa wada hadalada u matalaya guddi uu hogaaminayo Agaasimaha Guud wasaarada waxbarashada Maxamed C/qaadir Cusmaan.
Wada hadalkii DFS & Puntland ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa qodobada kala ah:
- Doorka (Shaqada) DFS & tan Puntland ee Waxbarashada
- Manhajka Waxbarashada
- Imtixaanaadka & Shahaadada
- Deeqaha Waxbarashada & maalgelinta
Wada hadalada ayaa waxay si xowli ah u soceen maalmihii Arbacada iyo Khamiista, halka maanta oo Jimco ah la nasanayo, iyadoo intii badnayn la isla meel dhigay intii uu wasiirku ku sugnaa Garowe sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes, waxaana lagu wadaa in loo gabogabeeyo maalinta Axadda oo ay bishu tahay 9ka july.
Sida ay ilo xog ogaal ah ka ogaatay Warbaahinta Puntlandes DFS iyo dawladda Puntland waxaa ka go’an inay heshiis gaaraan kaasoo ah maslaxadda ubadka Soomaaliyeed iyo inay ka shaqeeyaan inay ubadku helaan Waxbarasho tayo leh.
Puntlandes.com