Dhagayso: RW hore Cumar “Danta Somalia kuma jirto go’aankii ay DFS ka qaadatay khilaafka Khaliijka”

07 july 2017 (Puntlandes) Ra’iisulwasaarihii hore ee DF iminkana ah Sanete ka tirsan Aqalka Sare Cumar Cabdirashiid ayaa aragtidiisa ku biiriyay khilaafka ka taagan khaliijka ee udhaxaaeya Qadar oo dhinac ah iyo Sacuudiga,Imaaraadka,Baxrayn iyo Masar oo dhinac ah.

217-8l (1)

Raysul wasaare Cumar ayaa sheegay in loo baahan bahay in go’aanka dowlada Somalia ay ka qaadatay khilaafka dib logu laabto lana raaco halka ay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomasliyeed.

Cumar ayaa ku canaantay DFS inaysan  kala tashan shacabka Soomaaliyeed halka ay dantoodu ku jirto si loo qaato go’aan ay ku jirto danta dalku laakiin ay arinkan ku fududaatay madaxda DFS.

Saneter Cumar ayaa dhanka kale farta ku fiiqay inaysan Qadar shaqsiyaad ay wax siiso maahee aysan u garab istaagin Soomaaliya intii ay burbursanayn sida dawladaha Sacuudiga, Imaataadka iyo Masar.

Cumar ayaa yiri “go’aanka dawlada Soomaaliya qaadatay waxaa loo arkaa inay Qadar la safatay, runtiina waa dhib in sidaas loo arko..marka inaga dan nooma ahan saamayna waa inagu yeelanaysaa meesha hada la taagan yahay, marka waxaan jeclaystay in aan xukuumadda iyo madasha iminka wada fadhiya gaarsiiyo talo ah in arinkan dib looga fiirsado, dibna go’aan loogu gaaro, go’aanna loogu qaato meesha maxlaxadda Soomaaliya ku jirto oo ah dhanka xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka”

Dhagaydi waraysiga RW Cumar


Puntlandes.com

About The Author