Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka oo si rasmi ah u furmay iyo Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay

08 July 2017 (Puntlandes) Kalfadhigii labaad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah waxaa u furay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay.

234-1c8

Xaflada furitaanka ayaa waxaa lagu casuumay Qaar ka mid ah madaxda dawlad goboleedyad, wakiilo ka socday beesha Caalamka iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaanka uu hor-yaalo howlo fara badan, si gaar ahna waxaa uu soo hadal qaaday ajandayaasha u yaalo kalfadhigan.

Jawaari ayaa sheegay in arrinta ugu weyn ee u taalo ay tahay dib u eegista dastuurka iyo wax ka bedelka qodobada qaar, isagoo tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in labo sano gudahood lagu soo gaba gabeeyo.

Sidoo kale Jawaari ayaa soo hadal qaaday qodobo muhiim ah oo ku saabsan arrimaha dastuurka iyo qaab dhismeedka dowlad goboleedyada oo soo dhameystirmaya.

Madaxdii khudbadaha ka jeediyay kalfadhiga labaad ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay howlaha hor-yaala iyo waxyaabihii u qabsoomay, isagoo sheegay inay u qabsoomeen howlo fara badan sida joogteynta mushaarka ciidamada, shaqaalaha iyo hey’adaha dowladda, xakameynta hubka sharci darada, howl gelinta ciidamo gaar ah oo ka shaqeeya sugida amniga, iyo arrimo kale.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay balan-qaadyadii uu sameeyay, iyo caqabada hor-yaala, waxaa uu xusay in arrimahaas oo idil lagu heli karo in gacmo wada jir ah iyo wada shaqeyn dhab ah ay dhex marto hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Puntlandes.com

About The Author