Xaggee ku ogayd Gudoomiyihii Gobolka Mudug? Waana maxay sababtu?

Gaalkacyo (Pes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mohamed Yusuf Tigey oo aanba looga baran in uu ka shaqeeyo Gobolka uu Gudoomiyaha u yahay kuna caanbaxay in uu idaacadaha ka daldalmo iyo inuu Facebook ga soo dhigo sawiro aan xad lahayn ayaa maalmahan wuxuu u badalay sawiradii uu soo dhigi jiray Facebook ga in uu ku xayaysiiyo Caasimadii hore ee Xamar iyo Xeebta Liido ee uu ku caanbaxay xayeysiinteeda Mr Tarsan Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir.

Gudoomiye Tigey ayaa Xamar gaaray sida uu soo dhigay bartiisa Facebooga 2 dii nov 2014 wuxuuna u soo qoray sidatan ”Asxaabta waxaan gaaray caasumadda muqdisho waxaa si wanaagsan iigu soo dhoweeyay guddoomiye ku xigeenka gobolka banaadir iimaan nuur iikar iyo guddoomiyaha degmada xamar jajab waxaan kala qayb galay munaasabad dawladda talyaanigu qalab dabdamis uGu wareejinaysay gobolka banaadir waxaan joogidoonaa maalmo waxaan u imid dano gaar ah”

Gudoomiye Tigey ayaa hadana soo dhigay bartiisa Facebooga 3 dii nov 2014 wuxuuna u soo qoray sidatan ”dalku siduu Ahaan jiray iyo maanta suu Yahay Muuqaalka aragiyo maqalkaba….”

 

Gudoomiye Tigey ayaa intaa kuma ekaane hadana soo dhigay bartiisa Facebooga 7 dii nov 2014 wuxuuna u soo qoray sidatan ”Maashaa allah waxaan maanta salaaddii jimcaha ku tukaday 24 sano kadib masjidkii isbahaysiga islaamka waxaan xusuustay Ducooyinkii iyo khudbadihii AHUN shiikh aadan shiikh cabdullaahi, Waxaan kaloo 24 sano kadib Booqday xeebtii Bilicda samayd ee Liido waxaan ku arkay kumanaan dhalinyaro ah oo farxad iyo damaashaad ku jira amni iyo cabsi la,aan allow noo siyaadi waa xoog tira badan oo dalka usoo kacaya waxay u baahan yihiin hogaan xoogooda iyo maskaxdooda dalka iyo dadka uga faa,iideeya kana badbaadiya in iyaga loo adeegsado dhibaatada aniga iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka iimaan nuur Iiikar ayaa dhalinyarada farxadda la qaybsanay oo soo dhex marnay waxaa wajiyadooda ka muuqday mustaqbal ifaya”

 

Waxaa waxgarad iyo aqoon yahano badan oo u dhashay Gobolka Mudug iswaydiinayaan sababta u diiday Isbedel iyo Horumar Gobolka Mudug oo ah Gobol loo diiday in uu hore u socdo. Waa kaas Gudoomiyihiisii Xeebta Liido Xayeysiinaya inta badana ku qaata Garoowe iyo in uu wareego meelo ka baxsan Xarunta Gobolka Mudug oo noqotay 24 kii sano ee u dambeeyey Bahalogaleen aan loo ogolayn Horumar iyo wanaag. Dadka Gobolka Mudug ayaa u yaqaana Gudoomiye Tigey in uu yahay Afhayeenka Kooxda u diidan Horumarka Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa Gaalkacyo.

 

Nin oday ah oo reer Galkacyood ah ayaa Puntlandes.com waydiisay markii Xiisadu ka taagnayd Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo oo Qaybdiid ku hajabayey in uu xiray Airporka Abdulahi Yusuf sababta uu Gudoomiyihii dhamaa ee Gobolka uga hadliwaayey wuxuuna ninkaasi ku jawaabay Adeer ninkani wixii lagu shubtuu dhahaa lamana oran dheh taas.

Qoraal kale oo ka hadlaya Dhibaatada haysata Gobolka mudug halkan ka akhriso http://www.puntlandes.com/?p=3900 

Daawo sawirada Gudoomiyaha
828

827

829

830

831
825

824

823

822

820
Puntlandes.com

 

About The Author