Dhagayso: Waraysi dhamaystiran oo RW Cumar uga hadlay Khilaafka Khaliijka, xaaladda iminka ee Somalia & mooshinka Xukuumadda laga wado
08 july 2017 Barnaamijka Martida iyo Makrafoonka ee VOA ka baxa ayaa waxaa toddobaadkan marti ku ah oo lagu wareesaneynaa ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya iminkana ah Senate Aqalka Sare Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxuuna waraysiga uga hadlayaa khilaafka Khaliijka iyo go’aanka DFS ay ka qaadatay.
Raysul wasaare Cumar ayaa sheegay in loo baahan bahay in go’aanka dowlada Somalia ay ka qaadatay khilaafka dib logu laabto lana raaco halka ay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomasliyeed.
Cumar ayaa ku canaantay DFS inaysan kala tashan shacabka Soomaaliyeed halka ay dantoodu ku jirto si loo qaato go’aan ay ku jirto danta dalku laakiin ay arinkan ku fududaatay madaxda DFS.
Saneter Cumar ayaa dhanka kale farta ku fiiqay inaysan Qadar shaqsiyaad ay wax siiso maahee aysan u garab istaagin Soomaaliya intii ay burbursanayn sida dawladaha Sacuudiga, Imaataadka iyo Masar.
Cumar ayaa yiri “go’aanka dawlada Soomaaliya qaadatay waxaa loo arkaa inay Qadar la safatay, runtiina waa dhib in sidaas loo arko..marka inaga dan nooma ahan saamayna waa inagu yeelanaysaa meesha hada la taagan yahay, marka waxaan jeclaystay in aan xukuumadda iyo madasha iminka wada fadhiya gaarsiiyo talo ah in arinkan dib looga fiirsado, dibna go’aan loogu gaaro, go’aanna loogu qaato meesha maxlaxadda Soomaaliya ku jirto oo ah dhanka xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka”
Cumar ayaa dhanka kale sheegay inay xukuumadda RW Khayre wado dadaalo ay dalka wax uga qabato, waxaana loo baahan yahay siyaasad Amni iyo mid Siyaasad oo la saneeyo Xisbiyo.
RW Cumar ayaa si cad u sheegay inuusan taageersanayn qaybna ka ahayn Mooshin la hadal hayo.
Dhagayso waraysiga RW Cumar
Puntlandes.com