Daawo Video: Puntland oo si xoogan uga Digtay in la dhaqangeliyo Xeerka isgaarsiinta Soomaaliya

09 July 2017 (Puntlandes) Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta,hiddaha iyo dhaqanka Dowladda Puntland ayaa ka dirtay in la isku dayo in la dhaqan geliyo xeerka isgaarsiinta Soomaaliya oo dhowaan ay ansixiyeen golaha wasiirada DFS.

55

Wasiir ku xgeenka wasaaradda warfaafinta dowladda  Puntland Cabdirisaaq Cumar ismaaciil (Sheekh adduunyo) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Puntland ee Garowe ayaa ku eedeeyey wasaaradda Isgaarsiinta dalka in ay dhegaha ka furaysatay cabashadooda ku aaddan xeerkaan,islamarakaana ay xagal daacisay shir lagu qaban lahaa magaalada Kismaayo  si loo turxaan bixiyo xeerka.

Dhinaca kalena wasiirka ayaa sheegay in Puntland aysan qayb ka ahayn xeerkan, maadama aan wax wada-tashi ah laga la yeelan,sidoo kalena waxba laga qaban cabshadoodii.

 

Daawo Video: Puntland oo si xoogan uga Digtay in la dhaqangeliyo Xeerka isgaarsiinta Soomaaliya

Puntlandes.com

About The Author