Sawirro-Dhegayso: Isimada Puntland oo ku heshiiyey in cabashada beesha Tanade la horgeeyo dowladda Puntland waxna laga qabto

09 July 2017 (Puntlandes) Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa maalmahan waxaa ka soconayey shir ay leeyihiin Isimada Puntland iyo Odayaasha dhaqanka Waxgaradka iyo Salaadiinta Beesha Tanade.
Shirkan ayaa waxaa kasoo baxay in Cabashooyinka ay qabaan Odayaasha dhaqanka Beesha Tanade dhawaan la horgeeyo Madaxweynaha Puntland, madaxweyne ku xigeenkiisa iyo Golaha Wasiirada kuwaasi oo turxaan bixin dheer ku sameyn doona sida laga yeeli doono cabashada beeshan.
Suldaan Saciid Maxamed Garaase oo ka mid ah Isimada oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka war bixiyay qodobada hordhaca ah ee ka soo baxay shirkan. Suldaanka ayaa  sheegay in Odayaasha Beesha Tanade iyo Isimada isu af garteen in xukuumada lala hortagi doono qaabka loo xalin karo cabashada beesha Tanade.

Dhagayso go’aamada Isimida


1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14
Puntlandes.com

About The Author