Akhriso warsaxaafadeed kasoo baxay qaar ka mida Golaha Deegaanka Galkacyo oo ay ku dhaliileen Duqa Degmada & kuxigeenlkiisa kuna taliyeen in la isaga yimaado talada Galkacyo oo faraha ka baxday dhiig baxaysana
09 July 2017 (Puntlandes) Maanta oo ay taariikhdu tahay 09kii July 2017 ayaa qaar ka mid ah Golaha Deegaanka magaalada Gaalkacyo waxay soo saareen Warsaxaafadeed ay si xoogan ugu dhaliileen Duqa Degmada maxamuud yaasiin Axmed Tumey iyo kuxigeenlkiisa Farxaan Cabdi Gaafaa.
Golaha Deegaanka ayaa waxay ku taliyeen in la isaga yimaado talada Gaalkacyo oo faraha ka baxday si aad ahna u dhiig baxaysana, iyadoo dib u dhac wayn uu ku yimid dhan walba sida:
- Amnigii oo faraha ka baxay maadaama ay demadu joojisay dhaqaalihii Amniga
- Lunsasho hanti dadwayne
- Nadaafadda magaalada oo aan laga shaqayn
- Hor istaag horumarka magaalada
- Xafiiska oo aysanba soo xaadirin
- Iyo qaodobo badan oo kale
Warsaxaafadeedkan ayaa soo baxay kadib markii duqu fulin waayey talooyin hore oo uu goluhu usoo jeediyeen oo wax looga qaban lahaa xaaaladda cakiran ee magaaladda, inkastoo uu ballanqaaday inuu fulinayo talooyinkii ku qornaa taloso jeedinta hore.
Akhriso warsaxaafadeedka Golaha Deegaanka Gaalkacyo