Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo Kismaayo ka dhacaya

10 July 2017 (Puntlandes) Raysul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyay in shirka ugu horeeya ee golaha Wasiirrada lagu qaban doono magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee  Jubbaland.

 235-3e3a

RW Khayre ayaa sheegay in arintaan looga goleeyahay in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya dowladda Fadaraalka ah iyo dowlad gobaleedyada dowladda hoos taga.

Sidoo kale qorshuhu wuxuu yahay in todobaadyada soo socda golaha wasiirrada ay ku shiraan xarumaha dowlad gobaleedyada kale ee dalka.

Shirka golaha Wasiirrada ee lagu balansan yahay inuu ka dhacayo Jubbaland ayaa qabsoomi doona maalinta Khamiista ah ee nagu soo aadan.

Puntlandes.com

About The Author