Akhriso-daawo: War murtiyeed ka soo baxay shirka Golaha Amniga iyo qodobadii lagu muransanaa oo aan ku jirin
10 July 2017 (Puntlandes) Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee magaalada Muqdisho uga socday madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa maanta la soo gaba gabeeyay.
Shirka ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob, oo aanay ka dhex muuqan qodobadii maalmahan lagu muransanaa, iyadoo Madaxda u saaray guddiyo farsamo oo ka kala imaanaya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada
Madaxda shirka ka qeyb galeysay ayaa aad isugu hayay qaab dhismeedka ciidamada iyo cida maamuleysa, habka loo marayo, iyadoo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay ku doodayeen inay qeyb ka noqdaan maamulka dhismaha ciidamada.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid ayaa Saxaafada u akhriyay qodobada ka soo baxay shirka oo ay ku jirtay in shirka Golaha Amniga Qaranka la qabto saddexdii bilba mar.
War-murtiyeedka Golaha Amniga Qaranka
1.Golaha Amniga Qaranka ayaa kulan kuyeeshay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 5ta ilaa 10ka bisha Luulyo, 2017.2.Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxaana ka soo qeyb galay Ra’iisul Wassaraada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle, Hirshabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Gaashaandhigga, Amniga Gudaha, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo La Taliyaha Amniga Qaranka.