BANDHIGGA BUUGGA CUSUB EE FARIID
BANDHIGGA BUUGGA FARIID
Buuggan aad sawirkiisa arkaysid ee FARIID waa mid akadeemik ah. Waxa uu ka kooban yahay 5 cutub. Waa:
- Dhigaalka Far Soomaaliga
2. Astaamaha Hadalka
3. Taariikhda Far Soomaaliga
4. Suugaanta Soomaaliyeed
5. Naxwaha Soomaaliga
Waxyaabaha uu FARIID buugta kale ee la jaadka ah uga duwan yahay waxaa ugu weyn in ay ku jiraan waxyaabo cusub oo hadda la helay. Waa waxyaabo aan intii af/far Soomaaliga la qoray horay loo helin oo aan banaanka la keenin. Waxaa ka mid ah:
- Qaabdhismeedka Cusub ee Hadalka:
Waxaa hore u jiri jiray Qaabdhismeed Hadal oo aan dhammays tirnayn. Maanta lafteeda maan dhammays tirin oo waxaa goor kale iman karta aqoon midda aynu maanta hayno ka sarraysa; Qaabdhismeedkan Hadalka ee aynu maanta samaynay se waa mid cusub oo meelmar ah.
Hadalka waxaynu u qaybinay Tix iyo Tiraab, kuwaas oo horay loogu qaybshay. Tiraabtii waxaynu u qaybinay 1. Tiraab Toosan, 2. Tiraab Sarbeeban iyo 3. Sheekooyinka Dhaqanka. In sidan Tiraabta loo qaybsho maanta ayaa u hor ah.
Tixda na waxa aynu u qaybinay Murti iyo Maanso. In sidan Tixda/Suugaanta loo qaybshaayi na waa mid maanta ay u hor tahay.
Murtidii ayaynu u qaybinay 1. Maahmaah, 2. Xig iyo 3. Hal. Horay miyaad waligaa u aragtay Xig iyo Hal Murti ah?
Xigtu sharrax dheer ayay iiga baahan tahay aan se soo qaado midda la yaabka leh ee ah Hal. Hal waxaan isugu keenay 1. Halhays, 2. Halkudhag iyo 3. Halqabsi, dabadeed dhufsaneyaraha ka wada dhaxeeya ee HAL ayaan magac uga dhigay.
- Qaabdhismeedka Cusub ee Naxwaha Soomaaliga:
Halkan, sida aad ka arki karto sawirka dusha buugga, Naxwaha oo 7 bahood ahaan jiray ayaan 8 bahood ka dhigay markii taariikhda ugu horraysay.
Waxa aan kala qaaday Magac iyo Magac U Yaal, kuwaas oo Guddigii Qoridda Far Soomaaligu 1970y isku qaadeen. Waxa aan sidaas oo kale kala qaaday Fal iyo Falkaab kuwaas oo iyana guddigu waagaas isku qaadeen. Waxa aan meesha ka saaray wax ay ugu yeereen ”Yaab” oo aan ku habboonayn in ay Naxwaha afkeena ka mid ahaadaan.
FARIID waxa uu leeyahay Kadisyo casharrada dhammaadkooda ah iyo Shaqooyin la qabanayo dhammaadka Cutub kaste.
Waxa aan buuggan ugu talagalay in dugsiya Sare iyo Jaamacadaha lagu barto oo tallaabo horumarineed oo dhanka afka hooyo ah aynu horay u qaadi karno.
Hadda waxaa heli kara oo kali ah dadka Gaalkacyo ku sugan waxayna ka heli karaan oo kali ah Dukaanka Buugta Risaala kaas oo u dhaw Amal (Shirkadda Lacagaha Dirta).
Bishan dhammaadkeeda waxa uu diyaar ku ahaan doonaa BBG 2017 (Bandhigga Buugta Garoowe 2017) haddii Rabbi oggolaado.
WQ: Qoraa Cabdirisaaq Maxame Axmed (Cabdirisaaq Baraagoo)
Daabacaadii Puntlandes.com