YAA LAAYA WAX GARADKA WAQOOYIGA GALKACYO?

11 July 2017 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay akhristayaasheeda usoo gudbinaysaa qormo kooban oo ku salaysan Baaritaan dheer oo ay ku samaysay dilalka waqooyiga magaalada Gaalkacyo lagu bartilmeedsado dadka labeenta u ah bulshada magaalada.

6

Sida aad kawada dharagsantihiin waxaa lagu laayey magaalada dad aad u fara badan oo Bulshada wax tar iyo qiimo u lahaa, kuwaas oo aan wali cid loo hayaa jirin iyadoo mid kasta markii la dilay la yiri ”lama yaqaan cida dilka gaysatay”

Hadaba su,aashu waxay tahay yaa laaya dadka? maxaase Dariskooduna Nabadda uhaysaaan ayagana loo dilayaa?

Sida aan xogta ku helay dadka waxaa laaya Alshabaab waxaana saldhig u ah Koofurta Galkacyo oo uu ka arimiyo maamulka Galmudug, waxayna heshiis magangalyo la leeyihiin maamulkaas ayagoo ka midaysan Dilka, Barakicinta , Dhulbalaarsiga iyo ujeedooyin kale oo guracan oo aan ka marnayn nacayb Qabiil oo labduba ka midaysanyihiin.

64

AUN Sawirka karo Gudoomiyaha ururka haweenak gobolka mudug Dhudi Yuusuf Aadan oo la dilay

Alshabaab waxa ay sheegeen Shantii Qof oo u danbaysay inay ulaayeen inay ahaayeen dad ka qayb galay Difaaca Dalkooda iyo dadkooda sida dagaalkii Garacad iyo kii Galkacyood kuwa kalana ay layn doonaan.

65a

AUN Ing Cumar Aadan Xasan (Cumar dheere) oo la dilay

Iyaga oo ujeedadoodu tahay in ay ka dhameeyaan dadka wax galka ah sida Aqoonyahanka, qofka damiirka leh, kan dhaqaalaha ku bixiya nabadgalyada, nabadoonada ka shaqeeya maslaxad iyo dadka kale ee ay isleeyihiin bulshada wax bay ugu yaalaan iyo mas,uuliyiinta dawlada.

65b

AUN Xildhibaan Cabdiqaadir faaraxa Bootaan oo dhaawac kasoo gaaray qarax u dhintay

Magaalada dadka waa laga qixinayaa, haddii aan xal la helina runtii sidan laguma sii daganaan karo oo wayba imaan taasi.

65c

AUN Cabdirissaq Muuse Nuur “Jaxeer” oo u dambeyey lana dilay 6dii july 2017

Gobolka Mudug iyo xaruntii magaalada Gaalkacyo waa xuduudda ay Puntland kasoo gasho Alshabaab wuxuuna baahi wayn u qabaa in mas’uuliyad la iska saaro amniga Gobolka waxaana ku jirta danta Puntland.

70

AUN Nabaddoon Maxamuud Jamac Diirshe (Maxamuud Faray)

Maxaa u sahlay Alshabaab inay layntaasi iska socoto?

Waxaa u sahlay Alshabaab inay layntaasi iska socoto waxa weeye labo qodon oo u kala muhiimsan sida ay u kala horeeyaan:

  1. Shacabka Waqooyiga magaalada oo danahoodii dayacay, shaqana ka dhigtay inay iyagu is eegtaan meeshay u midoobi lahaayeen nabadgalyadooda.
  2. Dayac dhanka dawlada ah inkastoo uusan jirin shacab la shaqaynaya dawladda haddana waxa jira dayac wayn. Ilaa iyo iminka dawladdu ma diyaarin Ciidan Amniga magaalada gacan bir ah ku qabta oo ka kooban qaybaha kala duwan ee Ciidanka.

Xalku xagee jiraa?

Xalku hadii rabi lakaashado dadkuna isku tashado Dawlad iyo Shacab ba waa dhaw yahay xalku, waxaana saldhig u ah qodobadaaan soo socda:

  1. In shacabka magaalada u midoobaan la shaqaynta dawladda iyo ka shaqaynta Amniga.
  2. In loo sameeyo magaalda Boolis shaqaynaya iyo Ciidan dharcad ah oo la hawlgeliyo.
  3. In la adkeeyo koontaroolada magaalada wixii ka baxaya iyo wixii soo galaya intaba
  4. In la helo maamul wada shaqaynaya oo isku xiran ugu yaraan Degmada iyo Booliska.
  5. In loo huro dhaqaale ku filan Ciidanka nabad galayada oo aan la oran mushaar baa ka maqan iyo adeegyada kale oo ay u baahdaan.
  6. In wada hadal toos ah lala galo maamulka Galmudug oo ay kasoo duulaan kuna maaytaan markay dilaan wax garadka.

Gunaanad

Alshaaab dalka kuma qabsanayaan laynta dadka, dadkana ma dhamayn karaan ee khasaaro iyo hoog baa udanbayn doona aduun iyo aakhiraba inta dadka ay baraarugayaan baana ku duud dheer.

Puntlandes.com

About The Author