Madaxweyne Xasan oo diiday dhexdhexaadintii ay wadeen xubnaha Beesha Caalamka

Warar ay heshay Puntlandes.com ayaa sheegaya kulamo maantay oo dhan  ay Madaxda DFS si kala gooni goonia h ula lahaayeen Wakiilo ka socday Beesha Caalamka ay natiijo la’aan ku dhamaadeen, iyadoo kulamadan ahaa kuwo xal loogu raadinayay kala aragti duwanaanshaha u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Kulamadan oo ka kala dhacay Madaxtooyada ilaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay si kala gaar gaar ula kulmeen Wafdi ka socday Mareykanka oo uu horkacayay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya James P. McAnulty ayaa ahaa kuwo ay adkeyd in xogo laga helo, maadaama ay albaabada u xirnaayeen.

Ilo u dhuun daloola ayaa u xaqiijiyay Puntlandes.com in Madaxweynaha uu ka diiday Saraakiisha Mareykanka in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha ay wada shaqeeyaan, kana codsaday Maraykanka in loo daayo in uu Xilka ka qaado.

Wararka ay heshay Puntlandes.com ayaa sheegaya in xubnihii uu hogaaminayay James P. McAnulty ay ku amreen Madaxweynaha inay sii wada shaqeeyaan isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha, maadaama waqtiga la heysto ay yar tahay, isla markaana mudada ka hartay 2016 loo baahan yahay in howlaha dowladda u yaalo la dar dar geliyo si doorasho loo qabto. Hase ahaatee taa waxaa ka gaws adaygay Xasan Culusoow oo  ku jawaabay inay arrintaas dib u dhac u sii keeneyso hadii ay sii wada joogaan Ra’iisul Wasaaraha ayna haboon tahay in uu meesha ka baxo sida ugu dhaqsaha badan.

Madaxweyne Xasan Culusoow wuxuu kaloo maanta la kulmay una sheegay inaysan wax kale marayn in uu Ra’iisul Wasaaruhu meesha ka baxo maahee Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo Safiirka dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Amb. Niel Wigan.

Dhinaca kale Wafdiga Mareykanka ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo warbixin ka dhageystay, waxaana sidoo kale ay si kala gaar gaar ah u qaabileen Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Wakiilada Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa isna u cadeeyay xubnaha Mareykanka in isaga diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Madaxweynaha, isla markaana tallaabooyinkii uu sameeyay ee isku shaandheynta ay ahaayeen kuwo uu xaq u lahaa oo awood u siinaya dastuurka.

Madaxweyne Xasan Culusoow ayaa ku doodaya waa in uu kursiga baneeyaa Ra’iisul Wasaaruhu inta ka horeysa shirka Copenhagen.

Hadaba waxaa la sugaa af ka baxsan dublamaasiyada oo ay hada wixii ka dambeeya u istimaasho Beesha Caalamku Xasan Culusoow oo aanba ogayn in ay iyagu awalba siiyeen sharciyada uu madaxweynaha ku yahay. Riwaayadani waa bilow …………..

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author