Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada oo saaka ku wajahan Kismaayo

12 July 2017 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Golihiisa Wasiirada ayaa saaka ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland, halkaasoo lagu wado in maalinta berri uu ka dhaco shirka Golaha Wasiirada.

74

Labo diyaaradood oo lagu kala qaadi doono Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada ayaa la diyaariyay, kuwaasoo ka kala degi doona magaalada Kismaayo gelinka hore iyo gelinka dambe.

Diyaarada u horeysa ayaa waxay goor dhow ka qaadi doonaa garoonka diyaaradaha Muqdisho hoggaamin doona Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed.

Diyaar garow ballaaran oo lagu soo dhoweynayo Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka socda magaalada Kismaayo, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shalay la kulmay Guddiyada joogtada ayaa u sheegay in maanta oo Arbaco ah uu u ambabaxayo Kismaayo, si Golihiisa Wasiirada shir ugu yeeshaan Khamiista.

Puntlandes.com

About The Author