Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Guuleed oo ku difaacay Sheekh Nuur Baaruud inuu kasoo horjeeday AUN C/lahi Yusuf

12 July 2017 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku difaacay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan inuu kasoo horjeeday AUN madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf axmed, kaddib markii hadal uu dhowaan jeediyay uu ay  buuq weyn ka abuuray magaalada Muqdisho.

75

Cabdikariin ayaa qormo uu soo dhigay boggiisa Facebookaoo uu cinwaan uga dhigay “Wadaadka laga xishoodo” ku difaacay wadaadka qodobo ay ka mid ahaayeen in Xiligii madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf uu Sheekhu si Cad oga hor yimid soo galinta Ciidamadii Itoobiyo ee gudaha Dalka Soomaaliya uuna ka mid ahaa Culumadii Muqaawamada iyo Kacdoonka Bulsho hogaaminaysay.

Habada waxaa is waydiin mudan ma haboon tahay in shaqsi lagu amaano wax been ah oo aan sal iyo raad toona lahayn maadaama waxa AUN madaxweyne C/laahi Yussuf loogala dagaalamay Muqdisho aysan ahayn Itoobiya ee ay ahayd na xukumi maysid, tan kan kale HADDII ITOOBIYAAN lala dagaalamayey waa iyaga Koonfur oo dhan joogtee maxaa loola dagaalami waayey iminka oo loo leeyahay walaalo weeye.

Wixii dhacay dhace laakiin waxaa khalad wayn ah in Sisaasi ku amaano shaqsi wax aan sal lajayn mudnayna in iminka lasoo qaado, hoos ka akhriso qormada Cabdikariim:

Wadaadka Ha laga xishoodo

Sheekh Nuur Baaruud oo ah Caalim Cimrigiisa ku soo dhameystay Fidinta Diinta iyo Garab istaagga Umadda hadalka uu jeediyey uma maleynayo inuu ahaa hadal uu cid gaar ah ku taageerayey cid gaar ahna uu kaga soo horjeeday sidaas markaan leeyahay waxaan eegayaa aqoonta dheer ee aan Sheekh Nuur u leeyahay iyo Mowqifyadiisii Marxaladihii la soo maray tusaale ahaan:

  1. Xiligii Kacaankii Maxamed Siyaad Barre Waxuu ka mid ahaa Sheekhu dadkii hor istaagay oo si cad oo aan dhuumasho laheyn uga horyimid Siyaasadahii qaldana ee Kacaanka xili waliba aan lagu dhicin in lagu dhiirado Kacaankaas, asagoo ku muteysyay in lagu xukumo DIL TOOGASHO AH.
  2. Xiligii Hogaamiye Kooxeedyada waxuu ka mid ahaa Sheekh Nuur dadkii Calanka u siday wax ka badalka Xaaladaas.
  3. Xiligii Maamulkii Cabdulaahi Yuusuf Sheekhu sidoo kale waxuu ahaa dadkii sida Cad oga hor yimid soo galinta Ciidamadii Itoobiyo gudaha Dalka Soomaaliya, waxuu ka mid ahaa Culumadii Muqaawamada iyo Kacdoonka Bulsho hogaaminaysay.
  4. Xiliyadii Maamulkii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh sidoo kale Sheekhu had iyo jeer waxuu sheegi jiray waxa uu u arko inay sax tahay asagoon cidna ugu aabo yeelaynin waxaana u maleynayaa in aad loo wada xusuusto hadlkii uu Sheekhu ka yiri “Madaxweyne Xasan Sheekh hortiisa oo ahaa ” Madaxweyne Doorashadaada iyo Doogaaga Masuuliinta ayaa xun”.

Waxaana hubaa dad maanta Sheekha arinkan ku dhaleecaynaya inay maalintaa kale u riyaaqsanaayen hadalkiisa.

Haddaba Sheekh Nuur Baaruud waa qofkaas ee ma Shalay ayuu qaldanaa mase Maanta, waxaan u arkaa in mar kasta waxa uu sax u arko qof sheego uu ahaa, tan haddana sidaa ayey ila tahay Waxaana hubaa in haddii uu Maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu qalad ku arkana uu tilmaamayo fartana ku fiiqayo.

Marka Sheekha ha laga xishoodo hana laga leexdo, mana filaayo inuu Dastuur meel oga dhacay Xildhibaanada Sharafta lehna u gafay.

Puntlandes.com

About The Author