Sawirro: Wasaarada Deegaanka Puntland oo Biyo Xireen cusub ka dhagax dhigtay deegaanka Laasadawoco.

13 July 2017 (Puntlandes) Wafti kasocda DPL oo uu hogaaminayey Wasiirka Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska ayna ka midyihiin Wasiir kuxigeenka Beeraha, Agaasimaha Deegaanka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada ee Puntland iyo Masuuliyiin kale ayaa dhagax dhigay biyo xireen laga samaynayo deegaanka Laasadawoco oo katirsan degmada Carmo ee gobolka Bari.

Waftiga ayaa sidiiran loogu soo dhaweeyey deegaanka Laasadawoco iyadoo soo dhawayntooda ay ka qaybgaleen qaybaha kaladuwan ee Bulshada, soo dhawaynta kadibna waxaa ay la kulmeen maamulka degmada Carmo, odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo Beeralayda deegaanka kuwaas oo ay kawada hadleen sidii loo xoojin laha iskaashiga bulshada deegaanka iyo dawlada dhexe ee Puntland, Waxaana ay intaas kadib waftigu soo booqdeen deegaanka Barookhle oo ah deegaanka Beeralay ah oo kuyaala degmada Carmo waxaana ay waftigu ay ku dhiirigeliyeen beeralaydu inay ka faa’iidaystaan Togga la dhisayo si ay uga gudbaan dhibaatooyinka biyo yarida ah ee imika haysta.

Masuuliyiintii ka socotay dawlada Puntland ayaa intaas kadib taga togga Laasadawoco oo ay si ramsi ah u dhagax dhigeen waxaana uu togani noqonayaa kii Afraad oo ay wasaarada Deegaanku dhisayso isagoo la filayo in uu halkii marba qabto biyo kabadan “Boqol kun  oo Fuusto” kuwaas oo ay ka faa’iidaysan doonaan Beeralayda, dadka reer Guuraagaha, duunyada iyo Duurjoogtuba, Togga laasadawoco ayaa sanadwalba ay ka gudbaan biyo lagu qiyaasay Malaayiin Fuusto kuwaas oo aysan awal ka faa’iidaysan jirin bulshadu.

Maamullka degmada Carmo, Maamulka deegaanka Laasadawoco iyo Waxgaradka Deegaanka oo ka hadlay dhigax dhigii dhismaha Togaan ayaa uga mahadceliyey wasaarada Deegaanku sida ay xilka isaga saartaan dhibaatooyinka bulshada ka haysta biyo yarida iyagoo balan qaaday inay si dhow ula shaqayn doonaan wasaarada iyo shirkada dhisaysa Toggaan ayna garab istaagi doonaan mudada ay howshani socoto.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Siciid Faarax oo katirsan golaha wakiilada ee Puntland oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegey in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo sidii looga bixi lahaa biyo yarida waxaana uu sheegey in ay dhibaatooyin badani bulshada deegaankaan ka haysteen biyaha oo yar kuwaas oo uu sheegey in marka la dhiso biyo xireenka cusub ay rajaynayaan in waxbadani iska badali doonaan noloshada bulshada.

Wasiir kuxigeenka wasaarada Beeraha iyo Waraabka dawlada Puntland Marwo. Siciido Xusseen Cali oo ka hadashay dhagax-dhigii dhismaha Togga Laasadowoco ayaa sheegtay inay ku faraxsantahay in ay ka qaybgasho dhaga dhigan waxaana ay beeralayda ugu baaqday inay ka faa’iidaystaan biyaha loo qabanayo kuwaas oo ay sheegtay inay uga gudbi doonaan dhibaatooyinka imika ka haysta Roobka oo sii yaraanaya oo ku kalifay beeraha dalagoodu inuu yaraado.

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo si rasmi ah u dhagax dhigay togga Laasadowoco ayaa  uga mahadceliyey qaybaha kalaudwan ee bulshada soo dhawaynta diiran ee ay u sameeyeen waxaana uu sheegey in la joogo xiligii laga wax laga qaban lahaa biyaha bulshada ka khasaara iyadoo bulshaduna ay kujirto xaalad biyo yari, dhismayaasha Biyo-Xireenada oo ay Wasaarada Deegaanku mudooyinkii ugu danbeeyey ku mashquulsanayd ayuu wasiirku sheegey inay qayb wayn ka qaadan doonaan Kaabayaasha nolosha waxaana uu ganacsatada iyo bulsho waynta reer Puntland ugu baaqay in ay wasaarada kala qaybqaataan sidii loosii badin lahaa biyo xireenada islamarkaasna si isku tashi ah loo dhiso biyo xireeno iyo waro waawayn oo ay ka faa’iidaystaan bulshadu.

DCIM100MEDIADJI_0070.JPG

DCIM100MEDIADJI_0057.JPG

DCIM100MEDIADJI_0054.JPG

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23

24

25

26

27

28
Puntlandes.com

About The Author