Daawo video: Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay hadalkii Sheekh Nuur Baaruud

13 July 2017 (Puntlandes) Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay hadalkii dhawaan uuku weeraray Xildhibaanada Baarlaaanka Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed, kadib markii lagu tuhmay inay Mooshin ka wadaan Xukuumada Soomaaliya .
69
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo maanta ka hadlay fadhi Baarlamaanka yeesheen ayaa ka digay in Xildhibaanada loo jeediyo hadalo aan munaasib aheyn oo dadka qaar Warbaahinta ka jeediyaan.

Mahad Cabdalla Cawad oon soo hadal qaadin magaca Sheekh Nuur Burxan ayaa si dadban uga hadlay weerarkii afka ahaa uu ku qaaday Xildhibaanada Baarlamaanka, waxa uuna ka digay in Baarlamaanka Mooshinka wada loogu hanjabo in guryaha loogu galayo lana garaacayo.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in laga fiican yahay in Hay’adaha dowlada masuuliyiinta in ay wax iska sheeg sheegaan , waxa uuna tilmaamay in aan la qaadan Karin hadalada aan fiicneyn iyo hanjabaadyada loo jeediyo Xildhibaanada.

Daawo muuqaalka

Puntlandes.com

About The Author