Sawirro: Maxaa kasoo baxay Shirkii Golaha Wasiirada ee Kismaayo?
13 July 2017 (Puntlandes) Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhow lagu soo gaba gabeeyay magaalada Kismaayo, iyadoo lagu ansixiyay sharciyo dhowr ah.
Shirkan oo ahaa midka todobaadlaha ah ayaa ah kii u horeeyay ee ka dhaca meel ka baxsan magaalada Muqdisho, tan iyo markii dowladdu ay ka baxday kumeel gaarka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoominayay kulanka, iyadoo uu dhinac fadhiyay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka.
Golaha Wasiirada ayaa shirka ku ansixiyay sharciga Saxaafada oo dhowaan Wasiirka Warfaafinta ku dhawaaqay in dib u eegis lagu sameeyay qodobadii ay cabashada ka keeneen saxaafada.
Sidoo kale Waxaa shirka lagu ansixiyay sharciga Waxbarashada oo uu soo diyaariyay Wasiirada Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta.
Waxaa kaloo shirka lagu ansixiyay xuquuqda uu yeelanayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Puntlandes.com