Dhageyso: Madaxweyne Farmaajo oo sheegay inay heshiis la galeen Shirkad Caalami ah
13 July 2017 (Puntlandes) Madaxweyne dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa sheegay in dowladda Sooamaliya ay heshiis hordhac ah la gashay shirkad Caalami ah oo sahmisa Biyaha ku hoos jira dhulka Soomaaliya hoostiisa.
Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshaha dowladda uu yahay in 24 Bilood ee soo socotaa in la baaro Biyaha ku jira dhulka hoostiisa iyada oo la adeegsanayo Sataletesida uu hadalka u dhigay.
Farmaajo ayaa hadalkiisa intaas raaciyay in qorshahaan ay dowladda uga gol leedhay in laga baxo faqriga iyo Gaajada islamarkaana Soomaalidu ay isku filnaadaan.
Hadalkaan ayaa Madaxweyne Faraamjo waxa uu ka sheegay furitaankkii kala-fadhiga labaad ee Kulanka Xubnaha Aqalka Sare ee uu shalay Muqdisho ka furay
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha
Puntlandes.com