Maxay iska shabahaan madaxweyne Culusoow iyo madaxweyne Gaas?

Gaalkacyo(Pes) Warbaahinta caalamiga ah ee Puntlandes.com ayaa isku hawshay in ay akhristayaasheeda u soo gudbiso sida ay isku shabahaan amaba isku midka u yahay hogaamintoodu madaxweynaha DFS Xasan Culusoow iyo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne Culusoow

culusow1

Waxaa ka shaqeeyey in uu ku soo baxo kursiga madaxtinimada DFS Kooxda Dam-Jadiid oo uu koow ka yahay Faarax Cabulqaadir, kan labaadna ka yahay Cabdikariim ma samayn karo madaxweyne Xasan wax aan Faarax go’aamin ama uusan raali ka ahayn waa taas tan keentay in ay dawladii dhamayd qarka u saaran tahay bur-bur Faarax oo booska Raysul Wasaaruhu ka badalay. DFS waxaa xukuma iskuna koobay kaligoog koodaa la magac baxday Dam-Jadiid ee ma xukumo madaxweyne Xasan waxa kaliya oo uu wataa waa magaca.

Madaxweyne Dr Gaas

101

Wuxuu aaminsan yahay madaxweyne Gaas in ay kusiga madaxtinimada dawlada Puntland ay keeneen Koox la magac baxday Isbaaroolayda Gobolka Mudug. Kooxdani waa koox isugu jira Koofiyadleey isbaaroolay ah, Siyaasiyiin Isbaaroolay ah oo Mudug iyo Magaalada Gaalkacyo Isbaaro u taalo. Ma aha laba kooxood akhriste ee waa isku koox iyagaana xukuma Gaas wax aysan raali ka ahayna ma samay karo. Kuwa kooxdan ka mid ah oo xilalka haya Gobolka Mudug ama dawlada Puntland kama qaadi karo xilalka waana in uu fuliyaa go’aamadooda iyo awaamiirta ka soo baxda Kooxdan Isbaaroolayda Gobolka Mudug ah. Dadka kooxdan ka tirsan iyagaa isku magacaaba meesha ay doonaan ka dibna way ka saxiixdaan Dr Gaas.

Jawaabta waxa ay iska shabahaan labada madaxweyne

841

Labadoodaba midkoodna go’aan kaligiis ah ma gaari karo. Waxay ka siman yihiin Xasan iyo Gaas magaca kaliya oo ay sitaan ”madaxweyne” lakiin go’aanada iyo awaamirrta waa loo gaaraa!!!! Waxaana u taliya labadan kooxood ee awooda leh waa Dam-Jadiid iyo Isbaaroolayda Gobolka Mudug

Xafiiska gaalkacyo

Puntlandes.com

About The Author