Dowladda Soomaaliya oo qorsheyneysa soo saarista lacago cusub
20 July 2017 (Puntlandes) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudan Xasan Cali khayre ayaa kormeer shaqo ku tagay Bankiga dhexe ee Soomaaliya si uu hubiyo qaabka ay ugu adeegaan bulshadda.
Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka Bankiga dhexe ee Soomaaliya kala hadlay soo saarista lacag cusub oo dalku yeesho , tayeynta shillinka Soomaaliga iyo qaabka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo dhibaatadda dhaqaale ee ka dhalan karta adeegsiga lacagaha been abuurka ah ah.
Puntlandes.com