Akhriso Madaxweynaha Puntland oo Isimada ku Casuumay shir Garowe ka furmaya 25ka July
23 July 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Isimada Puntland ku Casuumay shirwayne Caasimadda Puntland ee Garowe ka furmaya 25ka July oo ku beegan talaadada soo socota.
Shirka ayaa la xiriira Codsi ay Beesha Tanade Daarood ku codsatay in dib loo eego saamiga ay ku leedahay dawladda Puntland.
Akhriso qoraal uu madaxweyne Dr Gas u diray dhamaan Isimada Puntland ugana codsaday inay kasoo qayb galaan shirkaas
Puntlandes.com