Hawlgal ciidanka Puntland oo kaashanya kuwa Galmudug ka fuliyeen koonfurta Gaalkacyo oo ay kusoo qabteen madaxii dhaqaalaha & Loojistikada Alshabaab

25 July 2017 (Puntlandes) Ciidanka Puntland ee PSF oo kaashanya kuwa Galmudug ayaa hawlgal ay habeen hore ka fuliyeen xaafadda Baraxley ee koonfurta magaalada Gaalkacyo waxay gacanta kusoo dhigeen sarkaal sare oo katirsan kooxda Alshabaab.

6

Ckiidanka ayaa hawlgalkaan kusoo qabtay madaxii dhaqaalaha iyo Loojistikada ee kooxda Alshabaab Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geel), oo hadda ka hor lagu qabtay boorso qaraxyo ka buuxaan, iyadoo dowladdu ay ku xukuntay dil toogasho laakiin markii dambe dowladda ay siidaysay markii madaxiisa loo afduubtay dad badan oo reer Puntland ah.

Ciidanka nabad sugidda Dowladda Puntland ayaa muddo ku raad joogay ninkaan oo la aaminsan yahay inuu kamid yahay maalgeliyayaasha kooxda Alshabab, waxaana loo haystaa inuu ka dambeeyay falal argigixiso oo ka dhacay gudaha Puntland iyo sidoo kale isku dhacyadii iyo dirirtii ku dhexmartay magaalada Gaalkacyo dhincayada Puntland iyo Galmudug.

 

Puntlandes.com

 

 

 

 

 

 

About The Author