Xusuuso warbixintii Gr Gaas ee 5 tii nov 2012 uu soo saaray

Gaalkacyo (Pes) Waxaan wada xusuusanaa markii, 5 tii nov 2012, uu Dr Cabdiwali Maxamed Cali gaas uu soo saaray warbixin Cinwaankeedu ahaa ”Warbixinta Mudane Cabdiwali Maxamed cali –Gaas ee Socdaalkiisii Gobolada Puntland” Isagoo ka soo saaray Magaalada Gaalkacyo oo uu ka soo jeedo. Waxaana ka soo yeeray wax aysan ka filayn dadkii taageerada saa’idkaa u hayey markii uu Raysul wasaaraha ka ahaa DFKG ee Xamar.  Waxaa aad iyo aad uga xumaadeen aqoonyahanada Puntland isagoo Dr Gaas la mid noqday Isbaaroolaydii Isbaaradu u taalay Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo.

Halkan hoose ka akhri qodobada 5, 6 iyo 7aad

854e

Qodobka shanaad wuxuu Dr Gaas uga hadlayaa oo uu ku dhaliilayey Xukuumadii Dr Faroole in Goboladii ku midoobay dhisitaanka Puntland 1998kii ay qaar ka mid ah gacanta ugu jirin maamulkii Dr Faroole, qaarkoodna ay samaysteen maamul u gooni ah. Waxaana uu ku sababeeyey kala furfurashada Puntland maamul xumo iyo Aragti la’aamnta hogaanka sare ee Puntland oo uu ula jeeday madaxweyne Dr Faroole.

Aan is waydiinee ku dhawaad sanad oo uu talada dalka hayey Dr Gaas maxaa iska badalay qodobkaas?

  • Waxba intii Somaliland haysatay ka badan ayey qabsatay intii uu talada hayey
  • Maamulo ayaa sdii loo samaynayaa oo uu waliba uga sii daray isagu Waa Dr Gaas

Gobolka uu ka soo jeedo ee Mudug ayaa hada waxaa socda abaabul in looga dhawaaqo maamul ka gooni ah kiisa oo ay samaystaan dadka diidan siyaasadiisa iyo KOOXDA u talisa Dr Gaas ee lagu magacaabo Kooxda Isbaaroolayda Gobolka Mudug oo ay ku midaysan yihiin Koofiyadleey isbaaroolay ah, Siyaasiyiin Isbaaroolay ah.

Qodobka lixaad wuxuu Dr Gaas uga hadlayaa oo uu ku dhaliilayey Xukuumadii Dr Faroole cadaalad daro iyo sinaansho la’aan Khayraadka Puntland.

Muxuu ka badalay taas Dr Gaas waa waxba kuwii ku naaxay Isbaarada Gobolka Mudug uyuu u sii balaariyey Isbaaradoodii. FG Jagooyin cusub oo uu sameeyey iyo qaar uu badalay 90% waa Kooxdiisa Isbedeldoonka ayna keensadeen Isbaaroolayda Gobolka Mudug. Aaway cadaaladii, cadaaladeey xaal qaado.

Qodobka todobaad wuxuu Dr Gaas uga hadlayaa oo uu ku dhaliilayey Xukuumadii Dr Faroole in aysan waxba ka qaban adeegyadii bulshada?

Aan is waydiinee ku dhawaad sanad oo uu talada dalka hayey Dr Gaas maxaa iska badalay qodobkaas?

  • Dakhligii dawlada Puntland aad ayuu u kordhiyey
  • Qarashkii ku bixi jiray Mushahaaraadka iyo adeegyada bulshada dhawr bilood lama bixin
  • Qarashaad aad iyo aad u farabadan ayaa Dr Gaas ku bixiyey Dalxiis iyo xayeysiis midhaa uu ula jeedo Villa xamar iyo 2016 ka

 

Dr Gaas wuxuu warbixintiisa ku gabagabaynayaa  in ay Shacabka Puntland ku caanbaxeen samir, nabad iyo dulqaad wuxuuna u digayaa ama u hanjabayaa xukuumada, hoos ka akhri

854f

Hadaba Dr Gaas ma oga miyaa taas hada waa isaga wuxuu raba sameeyee soow ma oga in ay shacabka Puntland dulqaadkii ka soo yaraaday ayna rabaan xisaaabtan rasmiya.
Warbixintii Mudane Cabdiweli Gaas ee Socdaalkiisii Gobollada Puntland
Halkan ka akhri qoraalka
854a

854b

854c

854d

 Puntlandes.com

About The Author