Dhagayso: Taliye Sanbaloolshe oo si kulul ugu jawaabay Xildhibaan Mahad Salaad
26 July 2017 (Puntlandes) Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Qaranka C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si kulul ugu jawaabay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo dhowaan dhaliilo xooggan u jeediyay Hey’addaha ammaanka dowladda.
Sanbaloolshe ayaa sheegay inay jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo aan horumarada iyo wanaaga la sameeya ka hadlin, balse marka ay wax dhacaan buun buuniya, isla markaana siyaabo kala duwan u fasira.
Taliye Sanbaloolshe ayaa yiri “Waxaa jira dad mas’uuliyiin ah oo qaarkood dowladda ku jira oo dhararsanahay in magaaladan dhib ka dhaco, oo wal wal iyo deg deg u qaba in magaalada dhibaato, shil iyo gumaad ka dhaco, waxaa rabaa inaan xusuusiyo dadkaas, hadii aan kheyr ku hadleyn iska aamusa”
Taliye Sanbaloolshe ayaa sheegay in erayo kicin ah iyo kuwo wax u dhimaho danaha qaranka iyo nabadgelyada ay ka soo yeeraan, isagoo nasiib darro ku tilmaamay in dad mas’uuliyiin ah ay ka soo yeeraan hadalo si xun wax u fasiraya.
Taliye Sanbaloolshe ayaa kusii daray “Dad Mas’uuliyiin ah waxaa jira oo xasaanad ku gambada, oo u heysta in xasaanada wax kasta ka dabooleyso, waxaa jira xoriyatul qowlka waxyaabo lagu ogoleyn oo ay ka mid tahay kicinta dadweynaha, qof mas’uul ayaa tahay maalin kasta boqol shey oo wanaag ayaa ka dhacaya dalka oo aadan ka hadleyn, wax yar oo hal maalin dhacana waa buun buuninayaan, ayadoo u muuqato inay ku ahdlayaan afka Cadawga, xasaanadu micnaheeda ma ahan in xornimo taam lagu siinayo, sida adigaba aan u suurta gal u aheyn in aan lagugu xadgudbin ayaa laga rabaa in aad si mas’uuliyad ku jirto aadan dadka ugu xadgubin”
Sidoo kale Taliye Sanbaloolshe ayaa soo hadal qaaday qoraal dhowaan uu Xildhibaan Mahad Salaad ku soo qoray bartiisa Facebook, kaasoo ahaa in dalkaan aan lagu xukumi karin Wareegto iyo war saxaafadeed, isagoo si kulul uga jawaabay hadalkaas “Waxaa arkayay dad dhahaya dalkaan Wareegto iyo war saxaafadeed laguma xukumi karo, hadaba mooshin maa lagu xukumayaa, iyo in maalin kasta Xukuumad la rido, dowlad is heysata horumar la gaari waayo, ma saas ayaa dalka lagu xukumayaa”
Hadalka ka soo yeeray Taliye Sanbaloolshe ayaa jawaab u ahaa hadalo maalmihii la soo dhaafay uu Xildhibaan Mahad Salaad ku durayay hey’adaha ammaanka, isagoo si aad ah u dhaliili jiray go’aanada amni ee ka soo baxayay Hey’addaha ammaanka
Dhagayso taliyaha nabadsugida Sanbaloolshe
Puntlandes.com