Xildhibaan Mahad Salaad oo jawaab kulul ka bixiyey Hadalkii Taliye Sanbaloolshe ee shalay
27 July 2017 (Puntlandes) Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal uu xalay Warbaahinta ka sheegay Taliyaha Hay’ada Nabad sugida Cabdulaahi Sanbaloolshe.
Halkaan ka dhagayso akhriso hadalkii Taliye Sanbaloolshe: Dhagayso: Taliye Sanbaloolshe oo si kulul ugu jawaabay Xildhibaan Mahad Salaad
Hoos ka akhriso Qoraal uu barta Facebook soo dhigay Xildhibaan Mahad Salaad ayaa u qornaa sida tan:
Asc asxaabta sharafta leh. Salaan kadib sxbada fariimaha kala gedisan iisoo qoray iyo kuwa isoo wacayba waan u mahadcelinayaa. Inshaa’allaah marna kama ganban doono waajibaadka Qaran ee la ii doortay iyo mas’uuliyada iga saaran Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.
Taliye yaasha Hay’adaha Amniga waxaa ila haboon inay gartaan mas’uuliyadoodu waxa ay tahay ee aysan dhex boodin Arimaha Siyaasada. Kuna mashquulin doodaha iyo fariimaha Xildhibaanadu uga hadlayaan qaladaadka Xukuumada iyo Hay’adaha Amnigu galayaan maalin walba, sababtoo ah waa arin Dastuuri ah waana qayb kamid ah waajibaadka shaqo ee Xildhibaanada.
Sidoo kale anigu waxaan kitaab ku maray inaan ahay Xildhibaan Qaran oo Dalka, Dadka, Diinta iyo Dastuurka intaba ilaalin doona sidaas darteed inaan guto waajibka i saaran cidna marti ugama noqonayo. Hanjabaada Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida ugu gafay Xildhibaanadana jawaabteeda maalin kale ayaan u dhiganeynaa inshaa’allaah.
DALKANA LAGUMA MAAMULI KARO WAREEGTO IYO WARSAXAAFADEED.
Mahadsanidiin sxbo yaal.
Xildhibaan Mahad Salad