Daawo Baarlamanka Puntland oo meel mariyay heshiiskii Dismaha Dekeda Bosaso ee DPWorld & heshiiskii CCECC ee wadada Eyl & garoonka Gaalkacyo

27 July 2017 (Puntlandes) Baarlamanka Puntland ayaa maanta meel mariyay heshiiskii Dismaha Dekeda Bosaso ee DP World & heshiiskii CCECC ee lagu dhisayey  wadada Eyl & Garoonka Diyaardaha ee Gaalkacyo.

7-4

Ugu horayn waxaa u codeeyey heshiiskii Dismaha Dekeda Bosaso ee DP World 59 halka uu hal xildhibaan ka aamusay, waxaana fadhiga xaadir ku ahaa 60 Xildhibaan.

Dhanka kale waxaa la gudo gagalay ka doodida heshiiskii ay dawladda Puntland la gashay shirkadda CCECC ee lagu dhisayey  wadada Eyl & Garoonka Diyaardaha ee Gaalkacyo waxaana u codeeyey 46 xildhibaan oo markaas goob joog ka ahaa fadhiga.

Imisaa ku baxday Dhismaha Garoonka Bosaso wajigiisa 1aad xaggeese ka timid?

Sida Heshiiska Shirkadda CCECC ku cad waxaa Garoonka Bosaso ku bxday aduun lacageed oo dhan 18 miljan oo doollar taaasoo 6300.000 ay bixisay dawladda Talyaaniga halka 12.500.000 ay bixisay Shirkadda CCECC.

Dawladda uu hogaamiyo Dr Cabdiweli maxamed cali Gaas ayaa dadaal dheer oo aan daal lahayn u gashay sidii Puntland loo horumarin lahaa, iyagoo distay kaabayaasha dhaqaalaha.


Puntlandes.com

About The Author