Faroole ha sheego Beesha G. Mudug ee laga soo jarayo Kuraasta Barlamanka PL? Mise G. Nugaal ayuu ula jeeday?
27 July 2017 (PUntlandes) Beesha Tanade Daarood ayaa gogol u dhigtay caasimadda Puntland ee Garowe Isimadaa Puntland si wax looga qabto tabashada ay ka qabto saamiga ay ku leedahay Baarlamaanka Puntland.
Shalay ayaa waxa hadal aad u adkaa uuna ka muuqdo xanaaq aan loo meel dayin ka jeediyey munaasabad lagu furayey xarun cusub oo ay Garowe ka dhisatay Wasaaradda Maaliyadda dawladda Puntland madaxweynihii hore e Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole isagoo si xoogan uga hor yimid in la furo Dastuurka Puntland.
Faroole ayaa ku dooday in Baarlamaanka Puntland uu ku salaysan yahay Deegaan, markaas ay tahay in Gobolka Mudug iyagu ay wax isku celiyaan ileen iyagaa wax ku kala maqan yihiine.
Faroole oo weerar afka ah ku qaaday Isimadda Puntland, Beesha Tanade oo wax tabanaysay iyo Shacabka Gobolka Mudug ayaa waxa kale oo uu weeraray Beelo uu sheegay inay degaan Kililka 5aad isagoo ula jeeday inay haystaan Kuraas aysan xaq u lahayn.
Hadaba Warbaahinta Puntlandes ayaa akhrisytayaasheeda usoo jeedinaysa tirada Kuraasta uu leeyahay Gobolka Mudug iyo Beelaha kasoo gala oo ay qaarkood degaan Gobolka Nugaal.
Dhagayso hadalkii shalay ee Faroole
Gobolka Mudug ayaa waxa uu leeyahay 10 kursi waxayna Beeluhu u kala helaan sidatan hoose.
Liiska Xildhimaanada Gobalka Mudug
1- Cumar Maxamuud
2- Cumar Maxamuud
3- Tanade Daarood
4- Tanade Daarood
5- Nuux Jibraahiil (Waxay degaan Burtinle Gobolka Nugaal)
6- Yuusuf Daarood Awrtable (Waxay degaan Burtinle Gobolka Nugaal)
7- Reer Bicidyahan
8- Idigfacle
9- Meheri
10- Reer Maxamuud
10 kursi Beesha Cumar Maxamuud waxay ku leedahay 2 kursi oo kaliya, halka ay Beesha Tanade ku leedahay iyana 2 Kursi.
Faroole Itoobiyaan aan degin Gobolka mudug ma Beelaha Reer Bicidyahan iyo Reer Maxamuud ayuu ula jeedaa, xaashaa lilaah si balaaran ayey u degaan Gobolka afkiisana kuma noqaonayaan dad aan degin.
Waa Su’aale Faroole xaggee ayuu ka jarayaa Kuraasta uu leeyahay Mudug baa wax isaga maqan yihiin ma wuxuu doonayaa in ay Beeshiisu qaadato 5 Kursi Cumar Maxamuudna waxba uusan ka qaadan Gobolka Mudug oo ay si ballaaran u degaan kuna leeyihiin 2 Kursi oo kaliya? Shacabka Puntland Faroole ha u cadeeyo meesha uu Kuraasta kasoo jarayo?
Gobolka Nugaal oo ay Beesha Cumar Maxamud u degto si balaaran waxay ku leedahay 2 Kursi oo kaliya halka ay Faroole Beeshiisa Ciise Maxamuud ay qaadatay 5 Kursi. Waxaana kasii daran in Beelihii kale ee degenaa Gobolka Nugaal markii wax looga diiday uu Gobolka Mudug siiyey Kuraastiisii, waxaana ka mid ah Beelaha Nuux Jibraahiil iyo Awrtable.
Gobolka Nigaal ayaa waxa uu leeyahay 9 kursi waxayna Beeluhu u kala helaan sidatan hoose.
Liiska Xildhibaanada Gobolka Nugaal
1-Ciise Maxamuud
2-Ciise Maxamuud
3-Ciise Maxamuud
4-Ciise Maxamuud
5-Ciise Maxamuud
6-Cumar Maxamuud
7-Cumar Maxamuud
8-Tanade Daarood (waa Kursi wareega oo hada waxa ku fadhiya Tanade)
9-Bahdubeys
Faroole hadalkiisii shalay ma ahayn mid sax ku qotoma, goobtuna ma ahayn mid munaasab ah wuxuuna xambaarsanaa gaf oo kaliya.
Gobolka Nugaal saami dheeri ah ayaa ku maqane Faroole hasoo celiyo raaligelina ha ka dhiibo hadalkiisii shalay.
Dhanka kale Dastuurka Puntland maaha aayad Qur’aan ah waan la furi karaa haddii loo baahdo, ee yaan laga dhigin wax dhagax ku qalalay oo aan la taaban karin.
Puntlandes.com