Sawirro: Wasaarada Deegaanka Puntland oo biyo xireen cusub ka dhagax dhigtay Deegaanka Meeladeen ee Dooxada Dharoor
Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL ayaa maanta deegaanka Meeladeen oo katirsan dooxada Dharoor ka dhagax dhigtay Biyo Xireenkii Afraad oo mudo bil gudihiis ah ay wasaaradu ka bilowday gobolada Puntland, dhagax dhiga Biyo Xireenkan oo laga bilaay goobta Shilaale oo 10KM u jirta deegaanka Meeladeen waxaa ka qaybgalay Wasiirka wasaarada Deegaanka Puntland, Gudoomiyaha gobolka Bari, gudoomiye kuxigeenka gobolka, Odayaal iyo waxgarad ka kala yimid gobolada kaladuwan ee Puntland iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka Iskushuban iyo Ufeyn ee gobolka Bari.
Eng. Haashim Xaaji Maxamed lataliyaha Wasaarada Deegaanka ee dhanka biyaha oo sharaxaad ka bixiyey Biyo-Xireenkan ayaa sheegey in biyo Xireenkani uu noqon doono kii ugu waynaa oo laga dhisay Puntland waxaana uu sheegey in halkii mar uu biyo Xireenkani qaadi karo inkabadan “Boqol iyo Sideetan Milyan oo Litiri” taas oo uu sheegey in ay dadka ku nool Dooxada oo dhani ka cabi karaan, Eng Haashim sidoo kale wuxuu sheegey in Biyo Xireenkani uu deegaanka ka dhigi doono mid qani ku ah Biyaha islamarkaasna ay dadka, Duunyada, Duurjoogta iyo Beeralayduba ka faa’iidaysan doonaan biyaha, Eng, Haashim Xaaji Maxamed wuxuu sidoo kale sheegay in sidoo kale la dhisi doono Haan qaadaysa ilaa 200-Fuusto oo biyaha kaydisa iyo Darar ay Xooluhu ka cabaan taas oo suurtagalinaysa in Deegaankan lagu noolaado inkabadan labo sano hadii uusan Roob ka da’in.
Odayaasha Iyo Waxgaradka Reer Meeladeen ayaa iyana dhankooda soo dhaweeyey biyo Xireenka ay wasaaradu ka dhistay Deegaankooda waxaana ay sheegeen in ay rajaynayaan in noloshoodu ay hormar gaarto waxwayna ay iska badalaan biyo Yaridii deegaanka ka jidhay.
Samafale Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo u ololeeya arimaha Deegaanka iyo Dalxiiska oo kamid ahaa dadkii ka qaybgalay dhagax dhiga Biyo Xireenkan cusub ayaa sheegey in ay Wasaarada Deegaanka dhawaan la bilaabi doonaan Mashruuc “Isku tashi ” ah kaas oo dadka reer Puntland ay Xoolahooda iyo maalkoodaba isku aruurin doonaan islamarkaasna ay Biyo Xireeno ku dhisanayaan.
Gudoomiyaha gobolka Bari Dr. Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) oo isna ka hadlay Dhagax dhgiii biyo Xireenka ayaa sheegey in maamulka gobolka Bari iyo bulshadiisuba abaalwayn ugu hayn doonaan wasaarada Deegaanku sida ay xilka isaga saartay biyo-yarida haysata bulshada waxaana uu sheegey in ay isgarab taagayaan dhismaha biyo xireenkan, dadka deegaanka ayuu gudoomiyaha gobolka Bari ugu baaqay inay ilaashadaan hantida culus ee dhankooda lasoo xijiyey.
Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa sheegey in uu ku faraxsanyahay inuu dhagax dhigo Biyo-xireenkii Afraad mudo kooban gudihiis kaas oo laga dhisayo Puntland waxaana uu wasiirku sheegey in intaanan la gaarin roobka Dayrta ay rajaynayaan in dhamaan afarta Biyo-Xireenba dhismahooda lasoo gabagabeeyo islamarkaasna ay reer Puntland helaan kayd xili roobaadka soo socda kaas oo uu sheegey inay qaybwayn ka tahay siyaasada wasaarada Deegaanka ee ah in laga boxo Oonka iyo rafaadka biyo-yarida.