Cadadka Lacageed Ee Somaliland Gacanta U Galisay Cali Khaliif Iyo Qorshaha Midaynta Ciidamada
28 July 2017 (Puntlandes) War lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhaya ilo ka agdhaw madaxtooyada Somaliland kana mid ah hawlwadeenada madaxtooyada ayaa si hoose ugu sheegay Boramanews.com lacag cadaan ah oo Madaxwaynaha Khaatumostate ka tirsaday xukuumada Siilaanyo.
Warkani ayaa sheegaya in Madaxdii timiday Hargeysa ee Khaatumo loo gacangaliyay lacag dhan 800,000 oo dolar (Sideed Boqol Oo Kun Oo Dolar) oo loogu talogalay in wax lagaga qabto isku ururinta maleeshiyaadka iyo wax ka qabashada dadwaynaha diidan heshiiska Somaliland.Masuulkani ayaa sheegay in lacagta xukuumadu siisay Cali Khaliif tahay hordhac balse waxa uu ka gaabsaday cadadka lacagta u hadhay ee Khaatumo helayso iyo goorta loo gacan galin doono iyo shuruudaha ku gudban.
Masuulkani ayaa Boramanews.com u cadeeyay in Khaatumo Iyo Somaliland oo wadajir ahi Buuhoodle gacanta ku dhigi doonaan kana sifayn doonaan kooxaha taageersan Puntland isla markaana tirtiri doonaan dhamaan wixii astaan u ah Somaliya ee ka taagan Buuhoodle.
Masuulkani ayaa sheegay in si lama filaan ah shacabku uga warheli doonaan la wareegida Buuhoodle dhawaana wafti ka socda Somaliland jigjiga u tagayaan qorshaha qabsashada Buuhoodle oo maamulka Kililka Shanaad laga wargalinayo ayuu Masuulkani sheegay,Wuxuuna ku macneeyay qorshaha jigjiga heshiiska amaan ee labada dhinac ka dhexeeya iyo maleeshiyaadka u carari doona dhinac Itoobiya.
Xigasho Borama