Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyey Degmooyin cusub ee Xukuumaddu usoo gudbisay
29 July 2017 (Puntlandes) Xildhibaanada baarlamaanka dawladda Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 29ka July 2017 Ansixiyey 4 Degmo oo cusub oo ay dhawaan magacawday Xukuumadda Puntland.
Degmooyinkaan cusub ee maanta uu Baarlamaanka Puntland ansixiyey ayaa kala ah:
- Bursaalax oo ka tirsan Gobolka Mudug
- Xumbeys oo ka tirsan Gobolka Bari
- Dhudhub oo ka tirsan Gobolka Karkaar
- Shaxda oo ka tirsan Gobolka Karkaar
Xildhibaanada ayaa sheegay in dhamaan deegaanada ay buuxiyeen sharuudaha degmonimada markii ay hubiyeena ay garowsadeen in ay muhiim tahay dadka deegaanadaas lagu abaalmariyo dadaalkooda.
Fadhiga maanta waxaa soo xaadiray 45 Xildhibaan waxaana ansixiyey Degmooyinka cusub 39 xildhibaan , waxaana ka aamusay 4 xildhibaan, hal Xildhibaan awaa diiday halka uusan Gudoomiyahu codayn iyagoo sidaas ku meel maray.
Magacaabida degmooyinkan iyo ansixinta golaha Wakiilada ayaa ahayd talaabo ay ku farxeen Shacabka degmooyinka cusub jooga.
Guddoonka baarlamaanka ayaa natiijada ku dhawaaqay, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay Shacabku in ay isku tashadaan oo ay dhistaan deegaanadooda sida Degmooyinkaan, si loo helo Horumar.
Shirkii Golaha wasiiradda ee dowladda Puntland oo uu gudoominayey madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa lagu ansixiyey 4taad Degmo 29kii June 2019, maanta oo ay bil kasoo wareegtayna waxaa si aqlabiyad ah ku meel mariyey baarlamaanka dawladda Puntland.
Puntlandes.com