Mooshin laga wado Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug
28 July 2017 (Puntlandes) Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas ku hawlan yihiin mooshin ka dhan ah.
Wararka laga helayo Cadaado ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Xildhibaanada ay ku eedeeyeen Madaxweyne kuxigeenka howl gudasho la’aan, isla markaana uu ka gaabiyay waxyaabihii loo igmaday.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dib ugu laabtay shalay Cadaado ayaa la filayaa inuu soo magacaabo Golihiisa Wasiirada, isagoo ku guuldaraystay inuu qanciyoi maamulka Ahlusunna oo ay xarunta u tahay magaalada Dhuusamareeb.
Puntlandes.com