Sawirro: Kulan u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo Xalane kusoo idlaaday
30 July 2017 (PUntlandes) Kulankan oo mudo shan Cisha ah Ka soconayey Magaalada muqdisho una dhaxeeyey Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa Looga hadlayey sidii Ciidamada AMISOM ay u baneyn Lahaayeen Goobaha Ay fariisimaha ay Ku leeyihiin ee shabaab Lagala wareegey laguna wareejin Lahaa Ciidamada dowlada Federalka.
Kulanka Ayaa waxaa Goob joog Ka Ahaa wasiirka wasaarada Gaashandhiga Soomaaliya, Wasiirka Warfaafinta, Safiirka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Saraakiil Ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka, Saraakiisah AMISOM iyo Saraakiil Kale oo Ka socdey Wadamad Ciidamada ka Joogaan Soomaaliya.
Labada dhinac Dowlada iyo AMISOM Ayaa waxa ay shirkaasi Heshiis Ku kala saxiixdeen in Amisom Ay Ka Guurto Goobaha Qaar Ee Fariisimaha Ay Ku leeyihiin Dalka Laguna Wareejiyo Ciidanka Xooga Dalka Si dib Loogu soo Celiyo Adeegyada Bulshada, iyo in Amisom iyo Dowlada soomaaliyeedba Ay uga Wada shaqeyn Lahaayeen Iskaashiga La dagaalanka Argagixisada Al-shabaab.
Kulanka Markii Uu soo Idlaadey Ayaa Warbaahinta Qaranka waxaa u faafaahiyey Waxyaabihii Kulanka Ka soo Baxey Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya Mudane C/rashiid C/laahi Axmed.
Wakiilka Midowga ee Soomaaliya Faransisco Maddera ayaa ka hadlay ahmiyada Shirka uu u leeyahay AMISOM iyo Soomaaliya “Muhiimada ugu weyn waxa ay ahayd adkeynta ammniga inaga oo ka shaqeyneyna maskaxda iyo fulinta qodobadii kasoo baxay Shirkii london ee dib u dhiska Ciidamada Qaranka , iyada oo la is waafajinayo go’aanada lana dhageysano soo jeedinta QM.