Xildhibaanadii shalay u hiiliyey Qaranimada Somalia oo shiray

Xildhibaanada Shalay hor istaagay Mooshinkii sharcidarada ahaa taageerayna sharcigii ummadda Somaliyed ku heshiisay iskana diiday in ay laaluush qaataan ayaa shir ay ku yeesheen maanta magaalada Muqdisho uga hadlay sidii shalay wax u dhaceen iyo dhinaca sharciga ku taagan. Xildhibaanadan oo tiradoodu ahayd 115 xildhibaan ayaa sheegay inay ku saxsanaayeen inay hor istaagaan Mooshinkaas sharcidarada ahaa  ayna u difaaceen qaranimada Somalia.

114 Xildhibaan ayaa waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Diinta Ridwaan Xirsi iyo wasiiro kale oo aad u badan, waxaana ay ka soo saareen qodobo dhowr ah.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Mooshinka laga keenay Ra’iisul wasaaraha uu ahaa mid laga soo abaabulay Madaxtooyada, isla markaana lagu bixiyay lacago aaf u fara badan oo ummaddu lahayd.

“Waxaan halkan ka cadeynaynaa sababta dhalisay buuqii shalay ka dhacay Baarlamaanka ee lagu keenay mooshinka sharci darada ahaa, in khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu ku saleysan yahay is bedelka Wasiirada oo uu Madaxweynuhu ka hor-yimid”ayuu yiri mid ka mid ah Xildhibaanadii kulanka ka qeyb galay.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku adkeystay inuu golaha shacabka horkeeno mooshin siyaasadeysan oo laga soo abaabulay Madaxtooyada.

Ugu dambeyn Xildhibaanadan taageersan Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Madaxweynaha sharcigii baal maray uuna ka dhega adaygay dadaaladii ay wadeen Beesha Caalamka iyo Xildhibaanada ee ahaa in is faham iyo wada hadal laga gaaro khilaafka

Puntlandes.com

About The Author