Sawirro: Xafladda kowda August ee Sanad guurada 19-aad ee Aas aaska Puntland oo Magaalada Badhan maanta lagu qabtay

01 Agosto 2017 (Puntlandes) Munaasabad si ballaaran loo soo agaasimey ayaa lagu qabtay magaalada Badhan, taasoo lagu xusayey 19 guuradii kasoo wareegtey asaaskii Puntland.
Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka gobolka iyo laamaha dawladda heer gobol, maamulka degmada Badhan iyo laamaha heer degmo, guddoomiyaha degmada Laasqoray , madaxda ciidamada daraawiishta iyo Booliska, ururada haweenka, ururada dhallinyarada, cuqaal, odayaal, waxgarad iyo Qurbe joog.

Waxaa masuuliyiintii kasoo qayb gashay ay ka warbixiyeen waxqabadkii dawladda Puntland ee gobolka Sanaag mudadii uu Xilka hayey Mudane Madaxweyne Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Waxwqabadkii lasoo qaaday ayaa waxaa ka mid ah:

  • Dhismaha 4 wasaaraddood oo kala ah haweenka , Degaanka , Waxbarashada iyo Xannaanada xoolaha , iyo sidoo kale Saldhiga Booliska degmada Badhan .
  • Dhismaha 7 xarumo bulsho ( community centres) iyo suuqa xoolaha ee magaalada Badhan
  • Baalleyaasha cad ceedda ku shaqeeya oo lagu xidhay Magaalada Badhan , Hospitalka Xingalool iyo Hospitalka Badhan.
  • Dhismaha 6 iskuul , iyo dayactirka 11 iskuul oo kale .
  • Qalab caafimaad iyo dawooyin la keenay Hospital ka magaalada Badhan iyo MCH yada gobolka.
  • Hirgelinta 5 ceel biyood oo kala ah Booddacad , Damallaxagare , Cawsane , Badhan iyo Daarasalaam , sidoo kale dayactirka lix ceel oo kale ‘( Hadaaftimo , Ceelbuh , Xingalool , Carmale , Habarshiro iyo Yubbe).
  • Furitaanka xarunta nafaqada caruurta oo 2 dii bilood uu furnaa lagu nafaqeeyey 50 caruur ah oo la il darraa nafaqo daro.
  • Sidoo kale 600 hooyooyin ah iyo 3000 caruur ah oo iyagana nafaqayn loo sameeyey xilligii abaarta iyo ilaa hadda oo dhammaan gobolka oo dhan ah.
  • xilligii abaarta oo 73,831 qoys biyo dhaan loo sameeyey , 22,416 oo qoys na raashin iyo lacag loo qaybiyey welina qaarkood loo wado iyo 4,945 qoys oo daaweyn bilaash ah helay.
  • Futitaanka xafiiska Socdaalka iyo Jinsiyadaha .
  • Hirgelinta dhismaha Jaamacadda Maakhir , iyo u magcaabida Prof. Caalin Axmed Faatax si loogu shaqeeyo dhismaha cusub loona ballaadhiyo tacliinta iyo tayada Jaamacada.
  • Dhismaha Wadada Ceeldaahir- Ceergaabo ee uu Madaxweynaha barakaysani ku dhawaaqay dhaqaale iyo maskaxna ku bixiyey.
  • Dayactirka garoonka diyaaradaha ee magaalada Badhan iyo ka shaqaysiintiisa .
  • Biyo gelinta magaalada Badhan ee hadda socota .

 

















Puntlandes.com

About The Author