XOG: RW DFS oo shaqadii Wasiir Juxa u Magacaabay Yaxye Agaasimihii Arimaha Gudaha ee Shaqada laga Eryey
01 Agosto 2017 (Puntlandes) Raysul Wasaaraha DFS mudane Xasan Cali Khayre ayaa u magacaabay la taliyahiisa arimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshisiinta Xoghayihii Joogtada ahaa ee Wasaarada Arimaha Gudaha oo dhowaan xilka laga qaaday Yaxye Cali Ibraahim, kaasoo ay aad isugu dhow yihiin Khayre
Yaxye ayaa markii Wasiirka arimaha gudaha dowlada Cabdi Farax Siciid diidey xil ka qaadista ku sameeyey ayaa markii dambe uu RW Khayre ku qanciyey inuu jago sare oo uga aarsado Juxa u magacaabi doono.
Wasiirk Juxa auyaa sida ay Warbaahinta Puntlandes xogta ku heshay diidey in ka hoos shaqeeyo Yaxye oo xilkaan cusubi u saamaxaayo inuu maamulo Wasaaradii laga soo cayriyey.
Raysul Wasaare Khayre ayaa mar u xagliyey ina adeerkiis, marna wuxuu ku bahdilay Wasiir Juxa oo uu Cadaawad xun u hayo, isagoo ku qasbay inuu ka hoos shaqeeyo Yaxye oo uu shaqadii wasaarada ka eryey.
Magacaabistaan uu sameeyey RW Khayare ayaa waxay la mid tahay in shaqadii Wasaarada Arimaha Gudaha la geeyey xafiiska Ra’isal wasaraha uuna maamulayo ina adeerkiis Yaxye Cali Ibraahim.
Yaxye Cali Ibraahim oo horay markuu ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Gudaha gacanta ku hayey mashaariic waawayn oo ay kad yihiin:
- Dimoqraadiyaynta
- Did u heshiisiinta
- Fadaraaliisimka
Ayaa magacaabistaan uu Khayre magacaabay waxay u keenaysaa oinuu sidii hore si awood badan u maamulo Mashaariicdaasi oo Beesha Caalamku ay u qoondeeyey aduun lacageed oo gaaraya 180 milyan oo doolar muddo ah 5 sano, waxaana ku jira Mashaaricda dib u dhiska magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada DAYNIILE.
Sidaas darted waxa ay isla garteed RW Khayre iyo Yaxye inuu Koofiyad Xafiiska Raysul Wasaaraha usoo gashto wasiir Juxa, uuna ka dhigo BUUL aan wax shaqo ah qaban kana hoos shaqeeya.
Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa waxaa uu horay RW Khayre uga jaray qayb aad muhiim u ah oo ka tirsanaa taasoo ahayd Gargaarka iyo ka hortaga masiibooyinka. Hadana waxa uu Yaxye hoos geeyey intii soo hartay.
Dhanka kale Raysul Wasaaraha DFS mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddi Wasiiro kooban ee isha ku hay shaqadaWasiirka wasaradaha arimaha gudaha u magacaabey gudi Wasiiro ah.
Waxaa kale oo xusid mudan markii uu Jaxa shaqada ka eryey Yaxye uu Agaasimaha Guud ee wasaaradda Isgaarsiinta u magacaabay ina adeerkiis ay Murursade jifo hoose sida Yaxye isla yihiin isagoo ka cayriyey nin kasoo jeeda Beesha Daarood, qadar yar kadibna uu Yaxye hoos geeyo wsaarada arimaha Gudaha.
Puntlandes.com