Dhegeyso-Daawo: Siyaasi Maxamed xaaji adaan oo taageeray shirka Isimada & Beesha Tanade uga soconaya Garowe
01 Agosto 2017 (Puntlandes) Siyaasi Maxamed Xaaji Aadan oo hore Xilal kala duwan oo ah Wasiirnimo ka soonoqday dawladda Puntland ayaa taageeray shirka Isimada Iyo Beesha Tanade uga soconaya Garowe, kaasoo ku saabsan qaancinta Beesha Tanade.
Siyaasi Maxamed Xaaji Aadan ayaa warbaahinta kula hadlay Garowe wuxuuna sheegay in xiligan ujeedka shirka beesha Tanade iyo Isimada uu yahay mid lagu muujinayo cabasho dhanka Golaha Wakiiladda ah.
Sidoo kale Siyaasigan waxaa uu sheegay in Madaxda xiligan ee Puntland ay u ogolaadeen beesha Tanade in ay shirkan qabsadaan Cabashadoodana ku muujiyaan habka saami qeybsiga golaha Wakiiladda.
Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay u ogolaadeen in loo kordhiyo tirade xubnaha ay ku doonayaan in ay kaga soo dhex muuqdaan mudanayaasha golaha wakiiladda Puntland.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yahay hadal dhawaan uu jeediyay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole kaasi oo sheegay in aan la furi Karin lana kordhin Karin xubnaha golaha wakiiladda oo xiligan 66 xubnood ka kooban.
Dhageyso Siyasiga Maxamed Xaaji Aadan
Puntlandes.com