Hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe Ma in ay kooxdiisu waxgaradka Xasuuqaan ayuu dan mooday?

In uu hirgalo maamulka Jubbaland waxay ku bixiyeen dadka iyo dowlada Puntland taageero maal iyo mid siyaasadeed. Waxayna u samaynayeen taas waa tan koowaade Wada dhalashada ka dhaxaysa iyaga iyo reer Jubba iyo in uu ferderaalku hirgalo taageeradaas waxay abaal uga heleen Hogaamiyaha Jubba Axmed madoobe in Jamhadiisa Raaskaambooniyiinta la yiraahdo ay xasuuq bareer ah u gaystaan qabiilada hartiga ee halkaas dega kaasoo u eg kii dhamaadkii 1992 gii lagu laayey dad aan waxba galabasan oo uu Cumar Jees ku xasuuqay Kismaanyo.

Raaskaambooniyiintu waxay beegsanayaa nindoorka, birmagaydada (Caaqilo, nabadoono , aqoonyahay iyo waxgarad) waxayna kala yihiin Caaqilada iyo Nabadoonada Beelaha Cumar maxamuud ka soo jeeda:

  • Husseen Nuur Xaaji Cabdi Dhuufe: Nabdoonkii guud ee beelaha Cumar Maxamuud
  • CAbdulladiif Axmed Warsame Nabadoon ku xigeenkii belaha Cumar Maxamuud

Waxaa isna 10 nov Dhaawac aad u xun oo halis ah si bareer iyo gardaro ah loogu gaystay Nadoonkii beesha reer Khalaf Baynax Yuusuf Geelle Guure.  Nabadoonka waxaa lagu dhuftay Rasaas aad u badan waxna loogama qaban karo wadan ayey Takhaatiirtu dheheen

859

Sida ay ila wargal ah ka heshay Puntlandes.com ilaa iyo iminka waxay Raaskaambooniyiintu xasuuqeen waxgarad 35 qof ka badan oo gardaro lagu dilay. Beelaha Hartigu waxaa kaloo intaa u dheer dagaalka Al Shabaab oo ay si la mid ah Raaskaambooniyiinta ugu dhimanayaan. Kii ugu dambeeyey ee Kudhaa waxaa ku dhintay 5 Harti ah, kalana ah 3 Cismaan Maxamuud, 1 reer Bicidyahan iyo 1 warsangeli ah

Puntland iyo Gaalkacyo

Madaxweynaha dawlada Puntland Dr Gaas ma waxaa la qumanaatay in dadkiisana si bareer ah loo xasuuqo isna Dhaawaca Raaskaambooniyiinta u soo qaado kuna daweeyo Isbitaalka magaalada Gaalkaco iyadoo lacag aad u faro badan ay ku baxayso dawaynta dhaawacaas hadana dadkiisa har iyo habeen lagu xasuuqayo Kismaanyo.  Waxaa la gaaray xiligii dadka reer Puntland la xisaabtami lahaayeen Dr Gaas!

Warbaahinta Puntlandes.com ayaa waxay go’aansatay in ay soo daabacdo warqad cabasho ah oo ay Beelaha Hartigu u Qoreen Axmed Madoobe 5 tii july 2014 markaas oo ay isku dayayeen wafti ka yimid Puntland in wax xaliyaan. Naga filo dhawaan haddii allah idmo

Puntlandes.com

 

About The Author