Warbixin: Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta ku tijaabinaya awooda RW Khayre go’aan ka gaarista xil heynta Wasiir Xoosh
02 Agosto 2017 (Puntlandes) Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya Xil heynta Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.
Kulan shalay Guddiga Joogtada ku yeeshay Xarunta Golaha shacabka ayaa waxay isku raaceen in arrinta Wasiirka loo gudbiyo kulanka guud ee golaha shacabka, iyadoo illaa 10 ka mid ah xubnaha Guddiga Joogtada ay ogolaadeen in kiiska loo soo gudbiyay dib loogu celiyo Xildhibaanada, si ay go’aan uga gaaraan.
Kulanka maanta ayaa la saadaalinayaa inuu yahay mid aad xasaasi u ah, iyadoo laga baqayo on Xildhibaanadu gacmaha isula tagaan ama uu ku dhamaado buuq uyo sawaxan
Xil ka qaadista Wasiir Xoosh
Go’aanka Baarlamaanka uu ka qaadan doono arrinta Wasiir Xoosh ayaa noqon doonta in Xilka wasiirnimo laga xayuubiyo, iyadoo uu Baarlamaanku doonayo inuu fariin kulul u diro madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre.
Dowladda Farmaajo ayaa waxaa u caado ah inay xildhibaanada awooddooda hoos u dhigto, iyaguna inay is muujiyaan bay rabaan, arintanina waa loolan cusub oo dowladda iyo xildhibanada u dhaxeeya.
Difaaca Xukuumadda Khayre
Xildhibaanada Golaha Wasiirada ka tirsan oo la amray inay difaacaan wasiir Xoosh, iyagoo xalay intii badnayd ka shirayey sidii ay u difaaci laheyd Wasiir Xoosh.
Waxaana la saadaalinayaa kullanka maanta inay wasiirada xildhibaanada ah ay abuuri doonaan jawi daganaansho la’aan ah waana taas tan looga baqayo gacan ka hadal.
Marka la isku geeyo xildhibaanada ka tirsan iyo kuwa tasgeersan arimo daneed ba ha u badnaadeene waxaa la saadaalinayaa inay noqdaan 80 Xildhibaan, iyadoo ay ka badan yihiin xildhibaanada doonaya inay xilka ka xayuubiyaan si ay fariin cad ugu diraan madaxda dawlada.
Dad badan ayaa aaminsan in tani ay imtixaan siyaasadeed u tahay Ra’iisul Wasaaraha oo lagu kala ogaan doono sida Xukuumaddiisa uga badbaadi karto go’aan kasta oo ka soo baxa Baarlamaanka.
Puntlandes.com