BREAKING NEWS: Puntlandes.com oo heshay go’aanka ay Isimadda Puntland isku raaceen ee xalinta tabashada Beesha Tanade, imisa Kursi ayaa loogu darayaa?
02 Agosto 2017 (Puntlandes) Shirkii Isimadda Puntland (Golaha Issimada Puntland) uga socday Caasimadda Puntland ee Garowe ee ay ku gorfaynayey xalinta tabashada Beesha Tanade ee la xiriirta Kuraasta ay ku leedahay Baarlamaanka Puntland ayaa maanta waxaa kasoo baxay go’aano taariikhi ah.
Go’aanada kasoo baxay shirkii Golaha Issimada Puntland ayaa waxay yihiin sadex qodob sida ay XOG ku heshay Warbaahinta Puntlandes. com.
Qodobada Golaha Issimada kasoo baxay ayaa kala ah:
1- In Beesha Tanade Daarood loogu daro Golaha Baarlamanka Puntland 4 Kursi oo cusub.
2-In Issimaddu ay mar labaad ka taliyaan dhamaan Beelaha kale ee ku dulman ka qayb galka ama matalaad ku la haanshaha matalaad Baarlamanka Puntland.
3- In Issimadu ay ka taliyaan oo ay wax iska waydiiyaan dhibaatooyinka baahsan ee hada ka taagan Puntland, sida:
- Amni xumada gudaha iyo dibada Puntland.
- Arrimaha sicir bararka Puntland.
- Iyo arrimo kale oo badan.
Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Guud ahaan shirkii Golaha Issimada Puntland ee soo bilowday 25/07/017, uu ku dhamaaday wajigisii hore guud ahaan if-afgarad iyo guul, inta dhimana waxaa loo balansan yahay inuu dib u furmo berri subax oo ay taariikhdu tahay 3da Agoosto 2017ka.
Baarlamaanka dawladda Puntland ayaa tan markii la aasaasay oo hada laga joogo 19 sano ka kooban 66 Kursi, iyadoo ay Beesha tanade ku lahayd 2 Kursi iyi kursi wareega oo ay ka hedho gobolka Nugaal laakiin waxay hada kadib ku yeelanaysaa 6 Kursi maadaama ay Golaha Issimada go’aamiyeen in 4 Kursi loogu daro taasoo ka dhigaysa tirada guud ee Kuraasta 70 Kursi inuu ka koobnaado Baarlamaanku.
Halkaan ka akhriso Xog ay xalay ka qortay Warbaahinta Puntlandes
Puntlandes.com