Puntland oo go’aano culus kasoo saartay lacagta Sh. Soamailaga ee la diiday

22a2

03 Agosto 2017 (Puntlandes) Kullan ka qabsoomay magaalada Boosaaso oo ay isugu yimaadeen Maamulka Gobalka Bari,kan Degmada Boosaaso ,wasaaradda maaliyadda ,Bankiga Dawladda iyo Ganacsatada sariflayaasha Boosaaso ayaa lagu Go’aamiyey Qodobadaan.

1: In ay fasax tahay in la qaato lacagtii hore ee shilinka Soomaaliga ah ,marka laga reebo lacagaha goo go’an iyo kuwo duugga ah ee aan isticmaalka geli karin.

2: Sarifka lacagta ayaa halkii doolar la go’aamiyey in lagu sarifo 28-kun oo shilinka Soomaaliga ah ,maadama saddexdii beri ee u dambaysay sarukac baahsan laga arkay.

Masuuliyiintii Dawladda ka socday dhankooda waxay balan qaadeen inay xakamaynayaan lacago shilin soomaali ah oo si xad dhaaf ah Gobolo ka baxsan Puntland uga imaanayey .

Puntlandes.com

About The Author