Xog: Cadaalada Dr Gaas iyo Isbaaroolayda Mudug!

Gaalkacyo (Pes) Maanta ayaa waxaa lagu baahiyey Tv yaga Ak´fka Somalida ku baxa waxa logu soo bandigay wax loogu yeeray 20 mashruuc oo Hay’ada DRC (Danish Refugee Council) ka fulisay Gobolka Mudug. Waxaa wax laga yaqyaqsoodo ah sida bahalnimada ah ee Isbaaroolayda Gobolka Mudug  iyo madaxweyne Dr Gaas u duudsiyeen Xuquuqdii ummadda Gobolka Mudug ka dhaxaysay magacoodana lagu soo qaaday iyagoo Isbaaroolaydan ku shaqaynaysa jufonimada iyo Gaas ugu heshiiyey shacabka Gobolka Mudug iyagoo ka faa’iidaysanaya  samirka xad dhaafka ah ee dadka Gobolkaas dega.

Sida aad sawirka hhose ku aragtaan 19 goobood ayaa Guryo yar yar laga dhisay  11 ka mid ah jufo wax ka degta Gobolka Mudog  ayaa gooni u dagta iyadoo  60% o oka mid ah goobahaas ay yihiin Baadiye aan dad ku noolayn hadana laga fuliyey Mashruucan iyadoo ay jiraan meelo badan oo Gobolka Mudug ka mid ahaa oo dad badani ku nool yahay una baahnaa in Mashruucan wax laga siiyo hadana waa laga qadiyey.

858a 857

Fiiri meelaha laga Hirgaliyey Mashruucan

Balanbal

Malaasle

Bilcil

Seemada

Salax

Balibusle

Qalanqal

BeerDhaxtuur

Cadaygabogabo

Iyo kuwo kale

Sida aad sawirka hoose ku aragtaan mashruucaan dhaqaalaha ku baxay waxaa bixiyey Hay’ada Danish Refugee Council DRC iyo UKaid waxaana ku baxay dhaqaale aad iyo aad u farabadan kaasoo loogu talagalay in lagu horumariyo Gobolka Mudug si dadkiisu uga faaiidaystaan. Laakiin hada inta badan waxaa  laga hirgaliyey Miyi aanba cidi ku noolayn.

857a

Cadaaladii uu ,madaxweyne Dr Gaas ku yimid Kus´rsiga ma saanaa dadka Mudug waa in ay ka tashtaan Isbaaroolaydaan is bahaystay oo aan Beerna reebayn. Wax walba Isbaaro ayey u dhigteen Gaas iyo Xulufadiisa Isbaaroolayda ah.

 

Halkan ka daawo Videoga

Puntlandes.com

About The Author