Sawirro: Wasiirka C/maadka Puntland oo xariga ka jaray xarumo caafimaad oo cusub

04 Agosto 2017 (Puntlandes) Sii hayaha Wasiirka caafimaadka Dowladda Puntland Cabdinaasir Cismaan Ciise(Cawke) oo ay weheliyaan saraakiil ka socotay hay’adda World Vision oo wasaaradda kala shaqaysa horumarinta Caafimaadka ayaa xariga ka jaray xarumo caafimaad oo laga hirgeliyey meelo ay kamid yihiin,Eyl,Diillin-maaxato,Suubaan iyo Yoombays oo dhammaantood ka tirsan gobolka Nugaal.

Dhammaan degaannada Wasiirku marayey ayaa waxaa soo dhoweyn ballaaran u samaynayey maamulka,waxgaradka,odoyaasha,culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool degaannadaasi,iyagoo muujinaya sida ay maqsuudka uga yihiin waxqabadka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland.

Degmada Eyl oo Wasiirku ku hormaray ayuu ka daah-furay qaybta’hooyada dhali-weyda’ iyo sidoo kale qaybta baxnaaninta ilamaha ee Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka degmadaasi,waxaana arrintaasi si weyn uga mahadceliyey dadweynaha degmada Eyl oo Wasiirka ku ammaanay sida uu uga dhabeeyey ballanqaadkiisi ahaa in degaannada laamiga ka baxsan uu xoogga saarayo.wasiir Cawke ayaa dhankiisa ku boorriyey bulshada in ay ku dadaalaan caafimaadkooda,islamarkaana ay isku tashi sameeyaan.

Tuulooyinka Diillin-maaxato,iyo Suubaan ayaa sidoo kale Wasiirku xariga ka jaray xarumo caafimaad oo ay markii ugu horreysay yeesheen tuulooyinkaasi oo aad laamiga uga fog,iyadoo awal ay dhibaato baaxad leh ka haysatay adeegyada caafmaadka gaar ahaanna hooyooyinka uurka leh oo aan heli jirin xannaanada ay u baahan yihiin,taasi oo mararka qaar sababi jirtay’ummul raac iyo isku-furan’.

Dadka ku nool tuulooyinkaasi ayaa ayaa bogaadiyey shaqada wasiirku ka qabtay adeegyadi caafimaadka ee degaankooda,waxayna sheegeen in xilliyadii hore ay adeeg caafimaad ugu dhowaayeen degaannada laamiga ah oo boqollaal KM u jira,balse hadda xarumaha caafimaad oo loo dhisay awgeed dhibaatooyin badan oo caafimaad laga baaqsaday.

“Xilliyadii hore waxaan caafimaad u raadsanjirnay degaannada laamiga ah,iyadoo sidaad ogtihiin laamigu noo jiro 300km.waxaa dhici jirtay in qof irbad keliyah u baahan uu naf baxo,waxaasina waa iyadoo ay tuuladu xarumo caafimaad la’aan ahayd”sidaasi waxaa yiri oday kamid ah waxgaradka tuulada diillin-maaxato.

Wasiir Cawke ayaa dhankiisa ku boorriyey dadka tuulooyinkaasi in aysan gacmaha laaban oo waxqabsadaan,wuxuuna si gaar ah ugu baaqay in ay dhismayaasha iyo adeegyada caafimaad ee weli ka dhiman ku dadaalaan sidii ay u dhammaystiran lahaayeen,islamarkaana aanay wasaaradda caafimaadka ka dhowrin wax walba,maadaama degaannada Puntland ee baaxadda leh ay wasaaraddu u wada shaqayso.

Tuulada Yoombays/Ina-garyaqaan oo uu wasiirku ku soo gabo-gabeeyey safar dheer oo qaatay in ka badan 700KM oo ugu kuurgelayey xaaladda caafimaad ee degaannada aan soo xusnay ayaa ugu dambayntii Wasiirku ka daah-furay MCH ay yeelanayso tuuladaasi,balse waxaa cajaa’ib ahayd markii bulshada ku nool tuuladaasi ay bilaabeen qaaraan-bixin lagu kordhinayo qolal cusub oo lagu kordhinayo qolalka MCH-ka,islamarkaana muddo 10 daqiiqo gudahood ah lagu uruuriyey lacag dhan $5100(Shan kun iyo boqol Dollar),taasi oo wasiirku $1000 ugu horreeyey bixiyey.

“Waxaa la rabaa in meesha shaqada intaa le’eg la geliyey aan ka helno report joogta ah.bilkasta dib u eegid ayaan ku samanaynaa xarumihii jiray iyo kuwa hirgelay”,ayuu yiri Cawke.

Dadka reer Yoombays ayaa shahaado  sharaf guddoonsiiyeye Mudane Cawke iyagoo ku bogaadiyey waxqabadkiisa joogtada ah ee hagar la’aaneed iyo sida uu marwalba ugu heellanyhay sare u qaadka caafimaadka bulshada,gaar ahaanna degaankasi oo soo maray xilli aan wax adeeg caafimad ah ka jirin.

Idaacadda Radio Dalmar oo ah Warbaahin guur-guurta ayaa iyaduna qayb laxaad leh ka qaadatay,wacyi-gelinta dadka degaannadaasi wasiirku soo maray,waxayna bulshada u shidaysay farriimo baraarujinaya fayo-dhowrka caafimaadka.

Hore ayaa Wasiirka caafimaadka Puntland u daah-furay xarumo caafimaad oo laga hirgeliyey degaannada Baq-baq iyo Budun-buto,waxaana haatan muuqata in degaanno badan oo hore aanay uga jirin xarumo caafimaad uu wasiirku isu-taagay sidii uu uga hirgeliyey goobo caafimaad,gaar ahaanna xarumaha hooyada iyo dhallaanka.

Wasiir Cawke ayaa hore u ballanqaaday in uu wax ka qaban doono adeegyada caafimaad ee degaannada laamiga ka fog,si looga gaashaanto in cudur la daweyn karo uu qof u dhinto.

 

 

 

 

 

 

 

About The Author