Sawirro: Guddiga Dhisaya isbitaalka Galkacyo oo Hay’ad khayri ah heshhis kula galay dhamaystirka qayb ka mid ah Isbitaalka

04 Agosto 2017 (Puntlandes) Guddiga gacanta ku haya Dhismaha isbitaalka guud ee gobolka Mudug eeGalkacyo ayaa maanta Hay’ad khayri ah heshhiis kula galay dhamaystirka qayb ka mid ah Isbitaalka.

Qoraal kooban oo uu bartiisa Facebooga uu ku leeyahay Cabdifitax Maxamed Sugule oo ah Xoghaynta Guud ee gudiga Isbitaalka Galkacyo ayuu ku yiri sidatan:

War farxadleh, ilaahay mahadiis waxaa maanta oo jimca ah ku heshiinay Hay’ad khayri ah dhamaystirka qaybta hoose isbitaalka Galkacyo
Waxaan kula heshiinay :-
1- dhamaystirka dhismaha qaybta hoose oo ka kooban 30 qol oo hada la shubay lana salaaxay
2- Qalabynta Qaybta emergency-ga Isbitaalka
3- qalaybaynta shaybaarka
4- Qalabaynta qololka jiifka qaybta hoose iyo xafiisyada
5- keenista 100 sariir jiif bukaan iyo Daawo
6- waxaa shaqada dhismaha la bilaabin 25/8/2017 waxayna socon mudo labo bilood ah
7- Gudiga dib u dhiska Isbitaalka waxuu dhamaystitin Dabaqa sare.
22b5

22b5a

22b5b

Mahadsanid
Abdifitah M sugule
Xoghaynta Guud ee gudiga Isbitaalka Galkacyo

About The Author