Xildhibaanada oo cafiyay Wasiir Xoosh kadib markii uu raalli gelin ka bixiyey hadaladii ka soo yeeray
05 August 2017 (Puntlandes) Wasiirka Dastuurka DFS mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa hor tagay Golaha shacabka ee Baarlamanaka JFS, isagoo ka raalli gelin ka bixiyey qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, kaasoo uu kaga hor-jeestay qaraarkii uu Baarlamaanka ku diiday go’aankii Maxkamadda sare.
Khudbad uu Wasiirku ka horjeediyay Xildhibaanada ayuu ku dalbaday in laga cafiyo hadaladii ka soo yeeray, isla markaana uu raalli gelin ka bixinayo. Guddoonka Baarlamaanka ayaa aqbalay raalli gelinta Wasiir Xoosh, waxaana ay u fasaxeen inuu howlihiisa shaqo sii wato.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka carooday qoraalada uu Wasiir Xoosh ku qoray bartiisa Bulshada, waxaana ay ka keeneen mooshin ay ku dalbanayaan inuu ku hor-yimaado Baarlamaanka, si su’aalo looga weydiiyo.
Hase ahaatee Wasiir Xoosh ayaa ka baaqsaday kulankii loogu yeeray, waxaana uu Guddoonka u soo qoray warqad codsi ahoo uu ku dalbanayo in la siiyo illaa 11 bishan, balse Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay inuu sharciga ku xadgudbay, iskana dhega tiray u yeeristii Baarlamaanka, iyagoo dalbaday in dib u eegis lagu sameeyo xilkiisa.
Madaxda dowladda ugu saraysa ayaa ku guuleystay in la xaliyo xiisadii u dhaxeysay Wasiir Xoosh iyo Baarlamaanka, kaddib markii arbacadii la soo dhaafay uu kooram la’aan ku baaqday kulankii Baarlamaanka ee lagu waday in go’aan looga gaaro xil heyntiisa
Puntlandes.com