Baarlamaanka Somalia oo ansixinta Miisaaniyadda DFS ee 2017
06 August 2017 (Puntlandes) Baarlamaanka ayaa maanta waxa la horkeenay inay ansixiyaan ama diidaan Miisaaaniyadda DFS ee sanadka 2017ka, iyadoo ugu horay warbixinta ama sharaxaadda ka dhagaystay guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka JF Soomaaliya.
Guddiga iyo Wasaaradda Maaliyadda DFS ayaa isla soo eegay waxna ka badelay Miisaaniyadda ama Odoraska Miisaaniyadda DFS ee sanadka 2017ka.
Sharaxaadda Dib u eegistii lagu sameeyay Miisaaniyadda kadib waxaa Xildhibaanadu u codeeyeen ansixinta Miisaaniyadda DFS ee sanadka 2017ka waxaana ansixiyey 167 Xildhibaan halka 2 xildhibaan ka aamustay.
Miisaaniyadda DFS ee sanadka 2017ka ayaa markii hore Wasaaradda Maaliyadda DFS waxay soo gudbisay inay noqonayso lacag dhan 247.7 Malyan doollar, iyadoo maanta ay Guddiga iyo wasaaraddu ay soo bandhigeen in laga dhigay Miisaaniyadda 260 Milyan oo Doollar, sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes.
Guddiga iyo wasaaradda ayaa ku noqoshada kadib kordhiyey Miisaaniyadda 12.3 Milyan oo Doollar oo u dhiganta ku dhawaan 5%.
Dhanka kale Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inaan waxba laga bedelin lacag Miisaayadda ugu qornayn dawlad Goboleedyadda oo ay markii hore Xildhibaanda qaar ka mid ay Buuq ka keeneen.
Puntlandes.com