Xildhibaannada Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta Guddoomiyaha golahaas u doortay Baashe Maxamed Faarax

06 August 2017 (Puntlandes) Xildhibaannada Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta Guddoomiyaha golahaas u doortay Baashe Maxamed Faarax, kadib markii uu xilkaa iska casilay gudoomiyihii hore Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

24a1
Gudoomiyaha cusub Baashe Maxamed Faarax

Doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo ahayd mid adag ayaa waxaa fadhiga golaha soo xaadiray 77 Xildhibaan waxaana lagu kala guuleystay Hal cod, kadib markii Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax uu helay 39 cod, halka Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle uu helay 38 cod.

Gudoomiyihii hore Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa mudo laba iyo toban sanadood ah soo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Dhanka kale todobaadka danbe ayaa la filayaa in la doorto guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Somaliland.

Puntlandes.com

About The Author