BREAKING NEWS: Golaha wasiirada Puntland oo ka kooban 53 oo lagu dhawaaqay

07 Aug 2017 (Puntlandes) Hoor dhow ayaa waxay Madaxtooyada Puntland shaacisat liiska Golaha wasiirada cusub ee Puntland, kuwaasoo ka kooban 53.

BREAKINGNEWS

Wasaaraddaha dawladda Puntland ee maanta wasiiradooda la shaaciyey ayaa ka kooban 20 wasaaradood. Waxaana la magacaabay:

  • 20 Wasiir
  • 20 Wasiir ku xigeen
  • 13 wasiirul dawle

Wasiirada booskoodii laga bedelay ayaa waxaa ka mid ah:

1-Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdulaahi Sheekh oo loo magacaabay wasaaradda Xabaanada xoolaha

2-Wasiirkii hawlaha guud Cabdirashiid oo loo magacaabay Kalluumaysiga

3-Wasiirkii arimaha gudaha Axmed Karaash oo loo magacaabay Duulista

4-Wasiirkii Aminga Qarjab oo loo magacaabay Warfaafinta

5-Wasiirkii kallumaysuga Biindhe  oo loo magacaabay  Beeraha

 

Wasiirada booskoodii xagsaday ayaa waxaa ka mi ah:

1-Wasiirka Cadaaladda Saalax Xabiib

2-Wasiirka Dekedaha Siciid Raage

3-Wasiirka Deegaanka Dr Cali

4-Wasiirka Waxbarashada Dr Abshir

5-Wasiirka Ganacsiga Indhoguran

Hoos ka Akhriso liiska wasiirada Puntland

1. Saalax Xabiib Jaamac Wasiirka Cadaaladda, iyo Arimaha Diinta

2. Cabdulaahi Cali Xirsi Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose

3. Axmed Cabdulaahi yusuf Dowlad – Wasiirka Amniga iyo DDR

4. Cabdulaahi Siciid Caarshe Wasiirka Maaliyada

5. Shire Xaaji Faarax Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriir
Caalamiga ah

6. Cabdiftaax Siciid Caynab Wasiirka Dastuurka Iyo Arimaha Fedraalka

7. Abshir Ow Yusuf Ciise wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta

8. Dr. Cabdinaasir Cismaan Cowke Wasiirka Caafimadka

9. C/rixmaan Barkhad Warsame , Wasiirka Howlaha Guud,
Gadiidka iyo guryenta

10. Siciid Maxamed Raage Wasiirka Dekedaha iyo Amniga Badaha Puntland

11. Axmed Cilmi Cismaan Karaash wasiirka Duulista Hawada iyo garoomada

12. Maryan Axmed Cali Wasiirka Hormarinta Haweenka

13. Cabdi Xirsi Cali Qarjab Wasiirka Warfaafinta iyo Boostada

14. Cabdiwali Xirsi Cabdule Indha guran Wasiirka Ganacsiga
iyo Warshadaha

15. Cabdulaahi Sh. Axmed Wasiirka Xanaanada Xoolaha

16. Cabdinuur Cilmi maxamud Bindhe Wasiirka Beeraha iyo Waraabka

17 .Dr. Cali Cabdulaahi Warsame Wasiirka Deegaanka,duurjoogta iyo Dalxiiska

18. Cabdirshiid Maxamed Xirsi wasiirka Kaluumeysiga iyo
kheyradka Badda

19. Cabdi khadar Faarax Shaaciye Wasiirka Dib U dhiska iyo Maalgashiga

Puntlandes.com

 

About The Author