War deg dega: Shirkadii Shidaalka ka baaraysay Puntland oo ku dhawaaqday in ay joojisay (Warsaxaafadeed)

Shirkadii Shidaalka ka baaraysay Puntland oo lagu magacaabayey Horn Petroleum ayaa Warsaxaafadeed ay soo saartay kuna taarikkaysnaa 12 ka nov 2014 ku sheegtay in ay joojisay Shidaal baaritaankii iyo Shidaal Qodidii ay ka waday dalka Puntland.

Waxay Shirkada Horn Petroleum ku tiri warsaxaadafeedkeedii sidatan ” Isbedel baaxadwayn ayaa ku yimid Somalia iyo ”dawlad Gobeleedka Puntland” dhawrkii sano ee u sambeeyey kuwaas oo samaayn ku yeeshay sidii ay Shirkadu uga shaqaynaysay Puntland. Somalia agosto 2012 waxaa dalka ka curtay dawlad rasmi ah oon ku meelgaar ahayn taasoo la daalaa dhacaysa dhibaatooyin siyaasadeed iyo mid nabadgalyo. Puntland waxaa kursiga maxadtinimada ku guulaystay jan 2014 maxadweyne cusub”

Shirkadu iyadoo sii wadata ayey qortay ”Dhibaatada ugu daran oo na soo wajahday waa sharcinimada Ruqsadaha Shidaal Baarista kuwaas oo kala ah kuwii dawladii hore 1991 bixisay iyo kuwa dawlada Xasan bixisay kuwaas oo labaduba ah meelihii ay Puntland Ruqsadaha noo siisay. Dhibaato kale ayaa ah Somalind oo ku haysata Puntland dhulkii ay nasiisay Puntland.

Shirka ayaa go’aankeeda u dhigatay sidan ”Shaqadayadii aanu ka wadnay Puntland ee ahayd Baaritaan Shidaal iyo Qodid Shidaal waxaanu go’aansanay in aanu joojino madaama lagu haysto Puntland

Shirkada oo la hadlaysa Saamilaydeeda ayaa tiri sidan ”waxaan Shidaal Baaris ka bilaabaynaa Qaarada Afrika inteeda kale” magaca Shirkadu wuxuu ahaa Geerka Afrika oo Puntland ahayd.

Waxaa wax aad iyo aad looga naxo ah jiyad jab wayna ku ah shacabka reer Puntland meesha uu madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas dhigay Puntland siday ahayd markii uu talada yimid iyo maanta siday tahay. Kooxda Dam Jadiid ayaa lacago farabadan uga qaatay Shirkado Shidaal baara oo ay Puntland u soo dirayaan sida ay Shirkada Horn cadaynsay halka uu Gaas u shaqaynayo sidii Gudoomiye ka mid ah Gudoomiyaasha degmooyonka Gobolka Banaadir.

Shirkada Shirkada Horn Petroleum ayaa waxay gelisay boqolaal milyan oo dooran oo maanta Xasan culusoow ka dhigay hal bacaad lagu lisay. Waxay tani ceeb ku tahay Shacabka Puntland oo aduunka u maraysa in aysan fulin karin heshiisyada ay galaan meesha uu Oday Xaad, Axmed Diiriye iyo xasan Culusoow ay fulin karaan.

Halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka

860

861

Ama halkan PDF
Warsaxaafadeedkii Shirkada Horn Petroleum

Puntlandes.com

About The Author