Dagaal Gacan Ka Hadal Ah Oo Dhex Maray Xildhibaan Koore & Gudoomiye Baashe & Ciidamo Hadda La Wareegay Xaruntii Baarlamaanka Somaliland

08 August 2017 (Puntlandes) Xarunta Baarlamaanka Somaliland ayaa waxaa maanta dagaal gacan ka hadal ahi ku dhex maray xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo kamid ah mudanayaasha Wakiilada Somaliland iyo gudoomiyaha sharcinimadiisa lagu muransan yahay ee golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

24c

Waxaana dagaalkan dhex maray xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Baashe Maxamed Faarax uu ka dhashay sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugnaa Xarunta, kadib markii xildhibaan Saleebaan Cali Koore uu soo galay golaha Wakiilada isla markaana uu si toos ah u abaaray xafiiska Baashe Maxamed oo wakhtigaasi uu ku sugnaa,waxaana xildhibaan Saleebaan Cali Koore isku dayay inuu xafiiska ka celiyo askari kamid ah ilaalada Baashe Maxamed Faarax oo markaasi hortaagnaa wajahaada xafiiska Baashe,waxaana uu askarigii xildhibaan Koore sida naloo sheegay ku wargeliyey in xildhibaan Baashe Maxamed Faarax uu shir ku jiro isla markaana uu yara sugo inta uu kasoo baxayo,balse xildhibaan Koore ayaa isagu toos u galay xafiiska gudoomiyaha cusub ee sharcinimadiisa lagu muran yahay Baashe Maxamed Faarax.

Intaasi kadib waxa labada xildhibaan dhex maray muran,waxaana hadalo xanaf leh ay labadan xildhibaan isku waydaarsadeen xafiiska Baashe dhexdiisa,kaas oo markii danbe sababtay inay gacanta iskula tagaan xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Baashe Maxamed Faarax.

Waxaana labadan xildhibaan dirqi ku kala qabtay xildhibaanadii iyo dadkii goob jooga ahaa,iyaga oo markiiba ay goobta soo gaadheen ciidamada ilaalada Baarlamaanka Somaliland,kuwaas oo xafiiska dabada uga soo saaray xildhibaan Koore.

Waxaana dhaawacyo fudud oo wajiga ah ay soo gaadheen xildhibaan Baashe Maxamed Faarax.

Dhinaca gale waxa iyaguna daqiiqado yar kadib markii labadan xildhibaan la kala qabtay golaha soo galay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” iyo taliyaha ciidamada Booliska Somaliland sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan,iyaga oo watay ciidamo badan,waxaanay Baashe Maxamed Faarax ka saareen golaha,waxaanay u kaxeeyeen dhankaa iyo xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland oo ay u sheegeen in madaxwayne Siilaanyo uga yeedhay.

Sidoo kalena xaruntii Baarlamaanka Somaliland ayaa waxa hadda la wareegay ciidamo tiro badan oo iskugu jira ciidamada gaarka u tababaran ee RRU-da iyo ciidamo Milateri ah,waxaana ciidamadan ay diidayaan in gudaha loo galo xarunta Baarlamaanka Somaliland.

Sidoo kalena ciidamadan ayaa waxay xidheen xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo darawalkiisii oo la socday.

Xaruntii baarlamaanka Somaliland ayaa wakhti xaadirkan gashay xaalad kale,waxaana xalaadaasi ay ka dhalatay codayntii dorraad ka dhacay golaha ee gudoomiyaha cusub ee golaha wakiilada loogu doortay Baashe Maxamed Faarax,balse sharcinimadiisa lagu muransan yahay ilaa haddana lama garanayo halka uu saldhigan doono.

Puntlandes.com

About The Author